Sign in to follow this  
Deeq A.

Heshiiskii is afgarad ee amniga dhexmaray Puntland iyo Somaliland oo burburay

Recommended Posts

Deeq A.   
1000072895.jpg?resize=720%2C480&ssl=1

Garoowe (Wararka PP) — Wasiirka Gaashaandhigga ee maamulka goosashodoonka ee Somaliland Maxamed Yuusuf ayaa Laanta af Soomaaliga ee BBC u sheegay in xudduudaha “Somaliland yihiin kuwii u dhexeeyay Ingriiska iyo Talyaaanga” oo ah fasiraad sababtay dagaalkii 2023 ka dhacay Laascaanood. Wuxuu intaas ku daray in labada maamul iska kaashaan doonaan la dagaallanka maamulka Waqooyi Bari. Wasiirku wuxuu sheegay in Puntland aysan aqoonsanayn xudduudo u dhexeyn jiray dhul Soomaaliyeed oo gumeystayaal maamulayeen ka hor 1960kii.

“Maamulka Puntland wuxuu ku guulaystay in goosashodoonku aysan sheeganin dal gaar ah oo Soomaaliya ka go’ay. Laakiin ma jirin in colaad ka dhan ah maamulka Waqooyi Bari lagu heshiiyay. Waxaa muuqata in heshiiskii is afgarad burburay maadaama uu maamulka Hargeysa si degdeg ah u bixiyay fasiraad colaadeed oo ka dhan ah maamulka Waqooyi Bari. Heshiiskan is afagarad waa mid u eg heshiiskii 30kii Diseembar 2023 ka dhacay Jabuuti oo labo maalmood kaddib burbuay markii Muuse Biixi heshiis is afgarad la galay Itoobiya” ayuu Puntland Post u sheegay cilmibaare ku sugan Garoowe.

1000072896.jpg?resize=660%2C368&ssl=1

Dhinaca kale maamulka Puntland ayaa ka jawaabay waraysiga uu bixiyay Maxamed Yuusuf. Wasiirka Arrimmaha Gudaha Puntland Cabdi Faarax Siciid “Juxaa” ayaa sheegay in heshiiska is afgarad uusan ka dhan ahayn maamulka Waqooyi Bari. Xasan Shire Abgaal oo mar ahaa Wasiirka Maaliyadda Puntland ayaa ku gacan-sayray heshiiska is afgarad amniga ah ay wakiillo ka kala socda maamullada Puntland iyo Somaliland shalay ku kala saxiixdeen Nayroobi.

© Puntland Post, 2025

Dhegeyso waraysiga BBC la yeelatay Wasiirka Gaashaandhigga ee maamulka Somaliland:

The post Heshiiskii is afgarad ee amniga dhexmaray Puntland iyo Somaliland oo burburay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this