Sign in to follow this  
Deeq A.

UK oo ku dhowaaqday war farxad u leh DF Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
Uk.webp

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda UK ayaa ku dhawaaqday dhaqaale cusub oo gaaraya in ka badan $30 milyan oo dollar oo lagu taageerayo marxaladda kala-guurka amni ee Soomaaliya, si gaar ahna loogu garab istaagayo ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Xirmadan dhaqaale, oo ay shaaca ka qaadday Wasiirka Horumarinta ee UK, Baroness Chapman, ayaa ka kooban $8 milyan oo loogu talagalay Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) iyo $22 milyan oo loo qoondeeyay ciidamada dowladda federaalka iyo Hawlgalka Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), oo ah hawlgalka nabadda ee Midowga Afrika.

Dowladda London waxay sheegtay in dhaqaalahani uu siin doono ciidamada amniga Soomaaliya taageero muhiim ah oo aan hub ahayn, isla markaana uu xoojin doono dadaallada Midowga Afrika ee ka dhanka ah dagaallamayaasha al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

Taageero muhiim ah oo la siinayo ciidamada DF

Dhaqaalaha ay UK ugu deeqday UNSOS ayaa lagu dabooli doonaa saadka cuntada, teendhooyinka, agabka caafimaadka, iyo adeegyada daadgureynta dhaawacyada ee ciidamada Soomaalida ee ku kala sugan daafaha dalka. Xafiiska UNSOS wuxuu hadda taageeraa ku dhawaad 18,900 oo askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliska Soomaaliya.

“Kaalmadan dhinaca saadka ah waxay door muhiim ah ka ciyaareysaa sidii ciidamada Soomaalida loogu suurtagelin lahaa inay fuliyaan hawlgallo wadajir ah ama isku dubaridan oo ay la sameeyaan AUSSOM,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay Safaaradda UK ee Muqdisho.

Ballan-qaadkan ugu dambeeyay wuxuu wadarta guud ee taageerada UK ee UNSOS ka dhigayaa in ka badan $58 milyan tan iyo sanadkii 2021-kii.

Qaybta weyn ee dhaqaalaha oo dhan $22 milyan ayaa loo qoondeyn doonaa hawlgalka AUSSOM, kaasoo hoggaaminaya dadaallada lagu xasilinayo deegaannada dhawaan la xoreeyay, lagagana hortagayo khataraha al-Shabaab, looguna diyaar garoobayo in si buuxda loogu gudbo hannaan amni oo ay Soomaalidu hoggaamiso dhammaadka sanadka 2025-ka.

Ku dhawaaqistan ayaa timid xilli ay Britain, Soomaaliya, Midowga Afrika, iyo Qaramada Midoobay ay si wadajir ah u martigeliyeen shir loogu talagalay deeq-bixiyeyaasha AUSSOM, kaasoo ka dhacayay hareeraha Shirweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee New York.

Shirkaas oo ay ka soo qayb galeen saaxiibbo kala duwan ayaa ku soo beegmay xilli uu jiro walaac sii kordhaya oo ku aaddan yaraanta dhaqaale ee halis gelin karta guulihii dhanka amniga ee dhibka lagu gaaray.

Laga soo bilaabo 2021, UK waxay ku darsatay ku dhawaad $140 milyan oo doolar hawlgalka AUSSOM iyo hawlgalladii ka horreeyay, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah taageerayaasha ugu waaweyn ee hawlgalkan.

Baroness Chapman waxay sheegtay in ka-qaybgalka joogtada ah ee Britain uu ka tarjumayo garowsiga ah in xasiloonida Soomaaliya aan laga sooci karin amniga guud ee gobolka.

“UK waxay ahayd saaxiib heegan u ah Soomaaliya in ka badan toban sano, iyadoo aqoonsan in amnigeedu uu muhiim u yahay xasiloonida iyo barwaaqada gobolka,” ayay tiri.

“Maanta, waxaan sii wadeynaa taageeradeena anagoo deeq muhiim ah siineyna AUSSOM, taasoo xoojineysa maalgashigeenna mustaqbal uu ganacsigu kobcayo, bulshaduna ay horumareyso, argagixisaduna aysan mar dambe khatar ku ahayn nolosha maalinlaha ah.”

Waxay intaas ku dartay in ku dhawaaqistani ay qayb ka tahay ballan-qaadka ballaaran ee UK ee ku aaddan dadaallada nabadda ee ay Afrika hoggaamiso: “Xalalka ay Afrika hormuudka ka tahay, oo ay taageerayaan saaxiibbada caalamiga ah, way shaqeeyaan, UK-na waxay ku faanaysaa inay taageerto dadaalladaas.”

Culeys ka sii kordhaya gudaha Soomaaliya

Deeqdan Britain waxay ku soo beegmaysaa xilli xasaasi ah. Waqtiga hawlgalka AUSSOM wuxuu ku eg yahay bisha Diseembar 2025, taasoo qayb ka ah qorshaha dhimista ciidamada ajnabiga ah. Si kastaba ha ahaatee, al-Shabaab waxay weli maamulaan dhul ballaaran oo miyi ah, waxayna sii wadaan inay fuliyaan weerarro dhimasho leh.

Saraakiisha Midowga Afrika ayaa ka digay in dhaqaale yaraanta joogtada ah ay halis gelin karto qorshaha kala-guurka. Horraantii bishan, Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mahmoud Ali Youssouf, wuxuu sheegay in “daal dhinaca maalgelinta ah” oo ka yimaada saaxiibbada caalamiga ah uu khalkhal gelin karo dhammaan Geeska Afrika haddii aan si degdeg ah wax looga qaban.

Youssouf wuxuu sheegay in inkastoo Midowga Afrika uu labalaabay deeqdii uu ku bixinayay Sanduuqa Nabadda, haddana uu Hawlgalka AUSSOM weli wajahayo hoos u dhac dhanka miisaaniyadda ah oo gaaraya $180 milyan oo doollar.

“Midowga Afrika wuxuu horey u labalaabay deeqdiisii Sanduuqa Nabadda, isagoo gaarsiiyay $20 milyan oo doollar, taasoo muujinaysa sida ay Afrika uga go’an tahay arrintan. Hase yeeshee, haddii aan la helin maalgelin degdeg ah, la isku halleyn karo, oo joogto ah, guulihii dhibka lagu gaaray waxay halis ugu jiraan inay meesha ka baxaan,” ayuu ka digay.

Iyadoo dib u xaqiijisay taageeradeeda maaliyadeed, UK waxay muujisay inay sii wadi doonto inay si dhow ula shaqeyso Muqdisho, Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, iyo wadamada ciidamada ku deeqay si loo joogteeyo guulaha dhanka amniga ee la gaaray.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this