Deeq A. Posted 6 hours ago Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku baaqay dardar-gelinta maqaamka magaalada Muqdisho, kaas oo muddo dheer soo jiitamayay. Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in arrintan aan dib dambe loo dhigi karin, isagoo ugu baaqay labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka in ay si degdeg ah uga doodaan, isla markaana ansixiyaan sharci qeexaya maqaamka caasimadda. “Waa in labada Aqal si wadajir ah uga shaqeeyaan sharciyeynta Maqaamka Muqdisho,” ayuu yiri Guddoomiyr Cabdi Xaashi. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay dardar-gelinta dhismaha hay’adaha garsoorka dalka, gaar ahaan Golaha Sare ee Adeegga Garsoorka iyo Maxkamadda Dastuuriga ah. “Waxaa lama huraan ah in la hirgeliyo Golaha Sare ee Adeegga Garsoorka iyo Maxkamadda Dastuuriga, si loo helo nidaam cadaaladeed iyo sharciyad adag oo lagu kalsoonaan karo,” ayuu yiri Cabdi Xaashi. Baaqa guddoomiyaha ayaa imanaya xilli dalka uu wajahayo baahi weyn oo loo qabo in la helo hay’ado garsoor oo madax-banaan iyo in si rasmi ah loo caddeeyo awoodaha iyo xuduudaha maamulka caasimadda. Maqaam u sameynta Muqdisho ayaa muddo dheer taagneyd, iyadoo magaaladu tahay waa meesha dhaqaale ahaan iyo shacbiyad ahaanba ku nooshahay dowlad walba oo timaada Villa Somalia. Madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxaa marwalba lagu eedeeya in si uusan dhaqaalaha Muqdisho gacantooda uga bixin inay tahay sababta marwalba uga caga-jiidaan maqaam u sameynta magaalada Muqdisho. Go’aan ka gaarista maqaamka caasimada ayaa horey looga saaray cutubka koowaad ee dastuurka, iyada oo la geeyay cutubka shanaad, waxaana isha lagu haya go’aanka uu arrintaan ka gaaro baarlamaanka. Share this post Link to post Share on other sites