Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Maraykanka oo warbixin ka soo saaray duqeyn uu la beegsaday kooxda ISIS ee buuraha Calmiskaad

Recommended Posts

Deeq A.   
strike-uss-harry-s-truman-cvn-75.jpeg?re

Taliska Ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) oo warbixin kooban soo saaray ayaa shaaciyay in uu fuliyay duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday buuraha Golis, gaar ahaan Calmiskaad, taasi oo uu la beegsaday kooxda ISIS.

Warkan ka soo baxay Taliska AFRICOM ayuu ku xaqiijiyay in uu duqeyntani oo ka dhacday togga Baallade oo ka tirsan buuraha Golis, gaar ahaanna Calmiskaad, islamarkaana dhinaca Koonfur Bari ka xiga magaalada Boosaaso, halkaasi oo ay weli ku dhuumanayaan firxad ka tirsan kooxda ISIS, oo ay ku hareeraysan yihiin ciidamada difaaca Puntland.

Balse, Taliska AFRICOM wax faahfaahin ah kama bixin haddii uu jiro khasaare gaaray kooxda ISIS ee bartilmaameedka duqeyntaasi ahaa, waxaase uu ballan-qaaday in uu sii wadi soono tallaabooyinka lagu wiiqayo awoodda kooxdaasi u yeelan karto in ay khatar geliso Amniga Maraykanka, Ciidamadiisa iyo muwaadiniintooda ku sugan dibadda.

PUNTLAND POST

The post Puntland: Maraykanka oo warbixin ka soo saaray duqeyn uu la beegsaday kooxda ISIS ee buuraha Calmiskaad appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this