Sign in to follow this  
Deeq A.

Mucaaridka Soomaaliya oo lagu qanciyay in ay 9 cisho dib u dhigaan bannaan-bixi qorshaysnaa maanta oo Sabti ah

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1758951716534.jpg?resize=1000%2C6

Bannaanbaxii mucaaridka Soomaaliya ee qorshaysnaa in uu maanta oo Sabti ah ka qabsoomo Muqdisho ayaa dib loo dhigay mudda sagaal cisho ah, kaddib markii la dhex-dhexaadiyay siyaasiyiinta Mucaaridka iyo dowladda Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka iyo xildhibaannada ka soo jeeda magaalada Muqdisho oo dhex-dhexaadintan sameeyay ayaa ku guulaystay in ay Mucaaridka ku qanciyaan dib-u-dhigista bannaanbaxa, taasi oo horseeday is afgaradka ku saabsan in mudda sagaal cisho ah dib loo dhigo bannaan-baxii qorshaysnaa.

Intaasi kaddib, waxaa la isku raacay oo shir jaraa’id oo wadajirka ah laga sheegay in bannaan baxu uu yahay mid dastuuri ah muddo 9 maalmood gudahood wixii farsamo ah looga shaqeeyo bannaan baxaas goobta iyo goorta uu dhici doono, si nabad ah oo dowladdu amnigeeda sugeyso uu u dhaco.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sida laga soo xigtay u caddeysay guddiga dhexdhexaadinta in ay raalli ka tahay xorriyadda kulamada, bannaanbaxyada iyo cabashooyinka, balse loo baahan yahay in si wadajir ah looga shaqeeyo goorta iyo goobta lagu qabanayo, si dowladda ay u xaqiijiso sugidda amniga.

Sidoo kale, Dowladda Soomaaliya waxay ku adkaysatay in ay mamnuuc tahay isku soo bixinta ciidan, wadashada gaadiidka dagaalka (tiknikada) iyo hubka culus, arrintaasna waxaa si cad loogu sheegay dhammaan xubnaha madasha.

PUNTLAND POST

The post Mucaaridka Soomaaliya oo lagu qanciyay in ay 9 cisho dib u dhigaan bannaan-bixi qorshaysnaa maanta oo Sabti ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this