Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliye Fardafuul oo sheegay in ciidamo ka tirsan Puntland khamriga soo galiyaan magaalada Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1758955604355.jpg?resize=1000%2C6

Taliye ku xigeenka Qeybta Booliska Gobolka Nugaal G.dhexe Maxamuud Muuse Bile (Fardafuul) oo faahfaahin ka bixiyay cidda khamriga soo galisa magaalada Garoowe ayaa xaqiijiyay in ciidamo ka tirsan Puntland ay ka ganacsadaan maan-dooriyahaasi.

Gaashaanle dhexe Fardafuul, waxa uu beeniyay in ciidanka Booliska ku lug lee yihiin soo gelinta Khamriga ee caasimadda Garoowe, balse wuxu xaqiijiyay in ay jiraan ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo ka ganacsada ama iibiya Khamriga, kuwaasi oo soo galiya magaalada.

“Khamriga waxa soo galiya waa ciidamo warkaasi waa xaqiiq, waa ciidan dowladeed oo ka ganacsada oo iibiya oo qoryo sita, balse maaha ciidanka Booliska intaasi in aan idin caddeeyaan rabaa, waxa khamriga soo galiyaa waa ciidan ka tirsan Daraawiishta” ayuu yiri Taliye Maxamuud Muuse Bile (Fardafuul).

Warkan ayuu Fardafuul ka sheegay Kulan ku saabsan adkaynta Ammaanka iyo la-dagaallanka noocyada kala duwan ee maandooriyaha uu Khamriga u horreeyo, kaasi oo xalay lagu qabtay masaajid ku yaalla magaalada Garoowe.

PUNTLAND POST

The post Taliye Fardafuul oo sheegay in ciidamo ka tirsan Puntland khamriga soo galiyaan magaalada Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this