Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa maanta ka qayb-galay xidhitaanka Munaasibadda Kulanka Islaamka Sannadlaha ah ee Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta ka qayb-galay xidhitaanka Munaasibadda Kulanka Islaamka Sannadlaha ah ee Hargeysa
FB_IMG_1759079274827-300x240.jpg

FB_IMG_1759079279173-300x200.jpg

FB_IMG_1759079299362-300x200.jpg

FB_IMG_1759079289415-300x200.jpg

FB_IMG_1759079284198-300x200.jpg

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna ku simaha madaxweynaha Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta ka qayb-galay xidhitaanka Munaasibadda Sannadlaha ah ee Kulanka Islaamka. Ijtimaaca Kulanka Islaamka ayaa ka bilaabmay Magaalada Hargeysa, 25/09/2025-ka, waxana si rasmi ah u furay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Sheekh Cabdullaahi-Baashe Daahir Jaamac.

Magaalada Hargeysa ayaa sannad kasta waxa ay
marti gelisaa Kulanka Islaamka, waxana isugu yimaadda in ka badan 70 kun oo qof oo ka kala yimid Gobollada Dalka Somaliland, Waddamada deriska ah iyo daafaha Dunida oo dhan. Kulanka Islaamka waxa ka soo qayb gala Culimo waaweyn oo aad looga qadariyo Caalamka Islaamka iyo Xeel dheerayaal aqoon sare u leh Diinta Islaamka.

IJTIMAACA (Kulanka) ISLAAMKA ayaa noqday Munaasibad Caalami ah oo si weyn loo sugo, looguna xisaabtamo. Kulanka Islaamku waxa uu leeyahay ujeedooyin qoto dheer oo Diimeed, mid dhaqaale iyo xagga midnimada bulshada Muslimka ah.

Ujeedooyinka iyo macnaha ugu weyn ee uu xambaarsan yahay Kulanka Islaamku waa xoojinta IIMAANKA iyo ku dhaqanka QIYAMKA ISLAAMIGA AH, kor u qaadista wacyiga bulshada, dhismaha midnimada iyo walaaltinimada ka dhexaysa Ummadda Muslimiinta ah ee daafaha Dunida.

Kulanka Islaamka ee sannadlaha ahi macno weyn ayuu u leeyahay Qaranka JSL, kaasi oo ah in Caasimadda JSL ee Hargeysa ay noqotay Xuddun lagu yaqaan barashada iyo faafinta Diinta iyo Aqoonta Islaamka, Xarun lagu soo hirto oo ah astaanta nabadda, xasilloonida, wadajirka iyo wada noolaanshaha bulshada Muslimiinta ah, taasoo kor u qaaday sumcadda Somaliland ee Caalamka.

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Deyr),

Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this