Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog cusub oo muujinaysa qaab yaab leh oo u dhinteen horjoogayaasha Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   
Daacish.webp

Boosaaso (Caasimada Online) – Xogo cusub ayaa laga helaya qaabka ay u dhinteen horjoogayaasha kooxda Daacish-ta Soomaaliya oo u badan ajaanib, kuwaas oo maydadkooda looga tegay buuraha Calmiskaad.

Xogaha amni ee soo baxaya ayaa muujinaya in tan iyo bilowgii wajigii labaad ee hawl-galka Calmiskaad ay is qarxiyeen horjoogayaal badan oo ka tirsanaa garabka ajaanibta ee Daacish, si looga hortago in nolol lagu qabto.

Horjoogayaasha ajaanibta oo intooda badan ahaayeen cadaan ayaa is qarxinta ku bilaabay dagaalladii ka dhacay togga Jeceel, xilligii uu socday wajigii labaad ee hawl-galkan, gaar ahaan intii lagu jiray dagaalladii Haraaryo, taas oo socotay ilaa hawl-galladii Miraale iyo Baallade.

Is-qarxinta dagaallamayaasha ajaanibta ayaa bilowday dagaalladii Dharjaale, halka horjoogayaasha kooxdu ay is qarxinta ka bilaabeen togga Jeceel wixii ka dambeeyay qabashadii Turmasaale, una sii gudbay ilaa deegaannada togga Baallade ee ku yaalla duleedka Boosaaso, sida ay sheegeen ilo-wareedyo amni.

Xogtu waxay muujinaysaa in horjoogayaasha ugu muhiimsan kooxda Daacish ee ajnabiga ah ay si joogto ah u adeegsadeen is-qarxinta intii uu socday wajigii labaad ee hawl-galkan.

Tallaabadan ayaa keentay in si weyn loo wiiqo awooddii hoggaamineed ee kooxda, maadaama inta badan saraakiishii ugu sarreeyay ee ajaanibta ahayd ay ka baxeen goobaha dagaalka.

Marka la eego xogaha hadda la helayo, waxaa la qiyaasi karaa in horjoogayaashii ugu badnaa ee Daacish, kuwaas oo u badnaa ajaanib caddaan ah kana yimid in ka badan 20 dal oo kala duwan aysan maanta wax badan ka noolayn.

Tan iyo markii uu bilowday dagaalka ka dhanka Daacish waxa uu maamulka Puntland sheegay inuu dilay 700 dagaalyahan oo ajaanib ah, oo ka tirsanaa Daacish. Warbixinta Puntland ayaa intaas ku dartay in Soomaalida ku naf waayay howl-galkaasi ay ahaayeen shan qof oo keliya.

Dagaal-yahannadan ayaa ka kala yimid qaaradda Yurub, Waqooyiga Ameerika, Afrika iyo Aasiya.

Inta badan dagaal-yahannada ajaanibta ah waxay ku soo galeen dalka si sharci darro ah ama iyagoo iska dhigay qaxooti, gaar ahaan kuwa ka yimid Itoobiya oo markii dambe ku biiray Daacish, sida uu sheegay maamulka.

Waxaa kaloo jiray kuwo si qarsoodi ah uga soo gudbay xeebaha Yemen, iyagoo adeegsanayay doomaha tahriibka, taas oo ka dhigan inay dalka soo galeen iyagoo aan haysan wax dukumeenti safar ah.

Puntland ayaa ku andacootay in ilaa hadda la tirtiiray 70% dagaal-yahannadii Daacish ee ku sugnaa buuraha Calmiskaad, kuwaas oo badankood ahaa ajaanib. Si kastaba, tan ayaa ka dhigan tiradii ugu badneyd ee dagaal-yahano ajaanib ah muddo kooban lagu dilo gudaha Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this