Sign in to follow this  
Deeq A.

Mucaaradka oo diiday in Xasan uu shuruud ku xiro heshiiska A/Madoobe iyo Deni

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Deni-Axmed-Madoobe.webp

Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa kulan ballaaran oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, ayaa waxaa bayaankii ay kasoo saartay qeyb ka ahaa khilaafka siyaasadeed ee dowladda federaalka kala dhaxeeya maamullada Jubbaland iyo Puntland.

Madasha ayaa dowladda federaalka ku eedeysay inay qalalaase ka wado gudaha labadaasi maamul, iyagoo Madaxweyaha Soomaaliya iyo xukuumaddiisa ugu baaqay inay meesha ka saaraan awoodda ciidan ee u adeegsanayso maamulka Jubbaland.

Waxay si gaar ah madaxweyne Xasan Sheekh uga dalbadeen inuu si shuruud la’aan ah ula heshiiyo hoggaannada Jubbaland iyo Puntland, uuna ku aqbalo kaalinta muhiimka ah ee labada maamul uga jiraan dowlad dhiska dalka.

“Madaxweynaha federaalka waxaa ugu baaqaynaa inuu ka gudbo arrimo shaqsiyeed, una gudbo kal umadeed, isla markaana uu si shuruud la’aan ah u aqbalo kaalinta muhiimka ah ee Jubbaland iyo Puntland,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay mucaaradka.

Sidoo kale waxaa lagu yiri “Madaxweynaha waa inuu la furo wada-hadallo dhab ah labadaasi maamul, oo lagu soo celinayo wada-shaqeyntii labada heer dowladeed ee federaalka iyo dowlad-goboleedka.”

Sidoo kale waxay madashu ugu baaqday madaxweynaha iyo xukuumadiisa in ay joojiyaan ku mashquulida tallaabooyinka siyaasadeed ee muranka dhaliyay, kuwaas oo dib u dhac ku keenay dagaalkii lagula jiray Khawaarijta, isla markaana dib loogu laabto dagaalka lagu xoreynayo waddanka.

Baaqa mucaaradka ayaa imanaya xilli ay muddooyinkii dambe socdeen dadaallo la doonayo in xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee gacan ka hadalka isku rogay ee dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhawaan xaqiijiyey in dowladdiisu ay wada-hadallo la furtay maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, tallaabadaas oo looga gol leeyahay in lagu qaboojiyo khilaaf siyaasadeed oo qaraar oo curyaamiyay dib-u-habaynta qaran, isla markaana huriyay iska hor-imaadyo hubeysan.

Is-mari-waaga daba-dheeraaday ee kala dhaxeeya labadan dowlad-goboleed ayaa wiiqay geeddi-socodka dowlad-dhisidda Soomaaliya ee jilicsan, isagoo halis ku ah inuu carqaladeeyo doorashooyin xasaasi ah.

Madaxweynaha oo waraysi siiyay telefishinka Al-Carabiya ayaa xaqiijiyay in wada-hadalladu ay ka socdaan jihooyin kala duwan. “Weli waxaan wada-gadal kula jirnaa Puntland iyo Jubbaland, waxaana rajaynaynaa in arrinta Jubbaland la xalliyo doorashada ka hor,” ayuu yiri. “Wada-hadalka iyo is-aragyadu way sii socon doonaan.”

Madaxweynaha ayaa ku nuux-nuuxsaday in qabashada doorashooyinka golayaasha deegaanka ay tahay mudnaanta koowaad ee dowladdiisa, ayna ku xigi doonaan doorashooyinka qaranka.

Sida ay horay u baahisay Caasimada Online, waxaa jira wada-hadallo hoose oo ay garwadeen ka tahay Kenya oo u bilowday Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyaha Jubbaland, Axmed Madoobe, si xal looga gaaro khilaafkooda.

Xogo hoose oo ay heshay Caasimada Online ayaa xilligaas ku warramay in khadka telefoonka ay ku wada-hadleen Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe. Wada-hadalkaas ayaa waxaa fududeeyay Taliyaha Sirdoonka Kenya Nuuradiin Yuusuf Xaaji.

Nuuradiin ayaa markaas ka hor safar qarsoodi ah ku tagay Kismaayo. Labada mas’uul ayaa wada-hadalkooda u horeeyay ee ay ku qaateen taleefanka uu ahaa mid kooban, kaasi oo Taliyaha Sirdoonka Kenya ku doonayo inuu bilow u noqdo qaboojinta xiisada Jubbaland iyo Dowladda Federaalka.

Khilaafka Xasan Sheekh iyo Madoobe ayaa kasoo bilowday shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee bishii October 2024, markaas oo la isku mari waayey guddiga doorashada iyo in doorashooyinka qof iyo cod lagu soo doorto madaxda maamullada.

Axmed Madoobe ayaa xilligaas ku dooday in doorashooyinka maamullada ay gooni u qabsadaan, halka Villa Soomaaliya ay ku adkeysaneysay hal guddi doorasho oo ay dowladda dhexe gacanta ku hayso inay qabtaan doorashada labada heer.

Tan iyo markaas wixii ka dambeeyay khhilaafka ayaa isku bedelay dagaallo culus oo ka dhacay Raaskambooni daba-yaaqadii 2024 iyo Beledxaawo Luuliyo 2025, taas oo keentay in ciidamo labada dhinac ah ay xadka Soomaaliya iyo Kenya ka tallaabaan.

Si kastaba, dib-u-heshiisiin lala gaaro Puntland iyo Jubbaland ayaa loo arkaa mid muhiim u ah in geeddi-socod kasta oo doorasho uu noqdo mid lagu kalsoonaan karo dalka oo dhan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this