Sign in to follow this  
Deeq A.

Daadad ka dhashay Roobabkii deyrta oo ka curtay degaanno ka tirsan Gobolka Bari

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1758349573333.jpg?resize=960%2C64

Roobkii deyrta oo ka curtay degaanno ka tirsan Gobolka Bari ayaa togagga qaarkood ku fatahay daadad xooggan, kuwaasi oo saamayn ku yeeshay dhaq dhaqaaqa isu socodka gaadiidka ee laamiga Boosaaso.

Wararka ayaa sheegaya in daad xooggan oo xalay ku soo dhacay togga Buraan ee degmada Carmo ee gobolka Bari uu hakad geliyay dhaq dhaqaaqa isu socodka gaadiidka laamiga dheer, islamarkaana laga soo badbaadiyay dad ku xannibmay togga.

Sidoo kale, Roobabkan mahiiggaanka ah ayaa ka da’ay degaannada ku teedsan buuraha Calmiskaad ee Gobolka Bari, gaar ahaanna dhulkii laga saaray mileeshiyaadkii Daacish oo dhaca togga Jeceel, halkaasi oo dadkii hore uga bara-kacay dib ugu guryo noqdeen xorayn kadib.

PUNTLAND POST

The post Daadad ka dhashay Roobabkii deyrta oo ka curtay degaanno ka tirsan Gobolka Bari appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this