Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo digniin ka soo saartay Safarka waddooyinka wakhti uu Roobkii bilowday

Recommended Posts

Deeq A.   
roob-sax.jpg?resize=720%2C436&ssl=1

Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan Laanta Ilaalada Waddooyinka, ayaa dadweynaha ku wargeliyay khataraha safarka waddooyinka waaweyn xilligan oo uu bilowday roobka Dayrta.

Laanta Ilaalada Waddooyinka ee Booliska Puntland Waxay si gaar ah uga digtay meelaha ay ku yaallaan togagga, biyo-mareennada iyo buundooyinka, maadaama biyaha roobku halis ku yihiin darawallada, rakaabka iyo hantida.

“Shacabka waxaa lagu boorinayaa in darawalladu ka taxadaraan ka gudubka togagga iyo buundooyinka ay biyuhu ka buuxaan. In dadka degan meelaha ku dhow togagga iyo biyo-mareennada ay muujiyaan taxaddar dheeraad ah, isla markaana ilaaliyaan waayeelka, carruurta iyo xoolaha.”

Waxay kale oo ku wargeliyeen dhammaan shacabku in ay raacaan tilmaamaha ciidamada booliska ee ku sugan waddooyinka, waxaana gigniintan qayb ka tahay dadaallada Booliska Puntland ee lagu xaqiijinayo badbaadada bulshada iyo ilaalinta hantida.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo digniin ka soo saartay Safarka waddooyinka wakhti uu Roobkii bilowday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this