Deeq A. Posted Friday at 02:31 PM SOOMAALILAND WAA DAL KU DHISAN DIIN IYO DHAQAN SOO JIREEN AH WAA DHULKII AWOOWEYAASHA. S/land waa dal cimri dheer oo leh xaddaarad fog oo kumayaal sano ah waxa taariikh innoogu filan xeebaha s/land sida seylac oo uu ku yaallo musaajidka qiblataynka oo jiray nebi mohamad hortii SCWS, waxay ahayd seylac caasimadda geeska afrika safarada ka soo degaa waxay gaadhijireen badhtamaha afrika waxay ahayd dekedda ugu weyn geeska. Waxa jirtay xaddaaraddii bullo xaar ee ay ku dhisantay magaalada hargeysi oo aan lasoo koobi karayn taariikhdeeda, xaddaaraddii berbera, karin ilaa maydh oo ah hoygii awooweyaasha. Waddankani taariikhahaas oo uu dhulku ahaa bilaa dawlad ilaa ilbaxnimadii ingiriiska waxay lahaayeen oo ay ku noolyihiin ilaa imminka dhaqan iyo diin iswaafaqsan oo la jaanqaadaya shuruucda caalamka ee maanta jirta markasta oo uu cadowgu soo adeegsado siyaasiga diciifka ah waxa lagu badbaadaa diinta, dhaqanka iyo shuruucda is waafaqsan. Waa sababta dhaqamada xun ee ay faafinayaan maamulka xalane xasan iyo fiqj ay uga hano qaadiwaayeen qaranka s/land. MAHADSANID. CABDI BACAW. GUUL ALLE. LONDON. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites