Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni oo bilaabay qorshaha uu ku gaarayo damiciisa xilka madaxweynaha Soomaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
Deni.jpg

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dadaallo xoogan ku bixinaya qorshaha uu ugu gogol-xaarayo musharraxnimadiisa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sida ay tilmaamayaan ilo xog-ogaal ah.

Deni ayaa bilaabay shirar gaar ah oo uu la yeeshay qaar ka mid ah wasiirradiisa, si ay ula dhisaan istiraatiijiyad cad oo ka caawin karta inuu ka mid noqdo musharraxiinta u tartamaya hoggaanka dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland waxa uu xooga saaraya kulamo joogto ah oo uu la yeesho wakiillada beesha caalamka, si loo abuuro faham iyo is-afgarad dhexmara isaga iyo dowladda federaalka, maadaama ololihiisa siyaasadeed uu si dhow ula xiriiro arrintaas.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in Deni uu taageero ka raadinayo madaxda Imaaraadka Carabta, oo uu xiriir dhow la leeyahay, isagoo ka faa’iidaysanaya khibradooda iyo kaalintooda siyaasadeed ee gobolka.

Dhanka kale, Saciid Deni waxa uu xoogga saaraya qorshe ku aaddan in baarlamaanka 12-aad ee dalka dib loogu soo xulo dowlad-goboleedyada, si uu fursad ugu helo in xildhibaanada mustaqbalka uu ku yeesho saameyn ballaaran.

Hase yeeshee, haddii qorshahaasi fashilmo oo ay doorashadu u dhacdo qaab ka duwan kii 2022, ilo wareedyo kala duwan ayaa xaqiijiyay in Deni uu diyaarinayo istiraatiijiyad kale oo uu ku wajaho xaaladda cusub.

Warbixinno kale ayaa intaas ku daraya in Madaxweynaha Puntland uu ku hawlan yahay abaabul shir uu ku mideynayo xubnaha mucaaradka Dowladda Federaalka, si uu u dhiso isbahaysi siyaasadeed oo uu ugu gudbo hamigiisa ah inuu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this