Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo shaacisay in horumar wayn laga sameeyay sahminta shidaalka

Recommended Posts

Deeq A.   
Daahir-Shire-scaled.jpg

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed ayaa faahfaahin ka bixiyay halka uu marayo barnaamijka qodista shidaalka ee dalka, isagoo xusay in dowladdu ay dejisay siyaasad cad oo ku aaddan arrintan.

Wareysi uu siiyay warbaahinta qaranka ayuu Wasiirku ku sheegay in nidaamka lagu wajahayo qodista shidaalka uu ku saleysan yahay shuruuc iyo heshiisyo rasmi ah oo Soomaaliya iyo Turkiga ay wada gaareen, isla markaana aysan jirin khasaare dowladda uga imaanaya howlaha socda.

Sidoo kale, Wasiir Daahir ayaa sheegay in la soo geba-gebeeyay wajigii ugu horreeyay ee sahminta shidaalka, taas oo lagu sameeyay dhul ballaaran oo badda ku yaal, kuna fidsan masaafo dhan 4,460.

“Waxaan horumar weyn ka sameynay sahminta shidaalka dalka oo aan bilaha soo socda si rasmi ah u soo bandhigi doono natiijada laga gaaray,” ayuu yiri Wasiirka Daahir Shire Maxamed.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu caddeeyay in dhowrka bilood ee soo socda lagu dhawaaqi doono natiijooyinka rasmiga ah ee sahminta, ayna bilaaban doonto marxaladda soo saarista shidaalka.

Wasiirku wuxuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed la wadaagi doono war farxad leh oo la xiriira guulaha laga gaaray dadaallada muddada dheer socday ee sahminta shidaalka.

Ugu dambeyntiina, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ayaa carrabka ku adkeeyay in qodista shidaalka ay u horseedi doonto faa’iido weyn shacabka, isaga oo bulshada ugu baaqay in aysan aaminin warar marin-habaabin ah oo caqabad ku noqon kara horumarka dalka.

Natiijada baaritaanka shidaalka ayaa la filayaa inay wax weyn ka beddesho xaaladda Soomaaliya iyo xiriirka iskaashiga Turkiga, iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya uu hore ugu tilmaamay “guul taariikhi ah.”

“Tani waa guul muhiim ah oo xoojinaysa yoolkeenna ah in Soomaaliya ay si buuxda uga faa’iideysato kheyraadkeeda, una beddesho fursado dhaqaale iyo horumar bulsho,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in khayraadka looga faa’iidaysan doono si hufan, cadaalad ah, waxtarna u leh koboca dhaqaalaha dalka iyo bararaha nololeed ee shacabka Soomaaliyeed.

Tan ayaa qayb ka ah dadaalka dowladda ee lagu kobcinayo dhaqaalaha dalka, iyadoo loo marayo ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah ee hodanka ay ku tahay Soomaaliya, kuwaas oo dabooli kara duruufaha ka jira dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this