Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo baareysa sida ay 10 milyan oo qof ku qaateen baasaboorka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
Passport-baasaboor-scaled.jpg

Muqdisho (Caasimada Online) – Baasaboorka Soomaaliya ayaa haatan waxaa haysata in ka badan 10 milyan oo qof, sida uu shaaciyay Madaxweynaha Soomaaliya. Dadkan ayay dowladdu ku bilaabi doonta baaris, iyadoo la waafajin doono hanaanka cusub ee dhawaan la dhaqan-geliyay

Xasan Sheekh ayaa sheegay in dadkaan aan la ogayn qaabkii ay u heleen baasaboorka, sidaas darteedna ay dowladdu saxayso habka baasaboorada lagu bixiyo.

Madaxweynaha ayaa dhawaan ku dhawaaqay dhaqan-galka qaadashada kaarka aqoonsiga ee NIRA, iyadoo la faray hay’adaha dowladda iyo shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay in aysan u adeegin qof aan wadan kaarka NIRA.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa hadda kadib aqoonsiga qaranka ku xiri doonta qofka doonayo inuu qaato baasaboorka Soomaaliga, taas oo qeyb ka ah dib u habeynta hanaanka qaadashada baasaboorka iyo sugnaanshaha xogta.

“Hay’ad dowladeed ama ganacsi, qofkii fududeeya in aanu dhaqan-galin kaarka aqoonsiga qaranka, ha ogaado waa dambiile qaran. Argagixisada ayuu waddo u fududeeyay, tuugada ayuu waddo u fududeeyay, ajaanib sharci darro ku jooga dalka ayuu u sahlay joogitaankooda,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Go’aankan oo dhaqan-galkiisa ay dhowr jeer dib u dhigtay dowladdu ayaa haatan si rasmi ah u dhaqan-galaya, sida uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Tallaabadan ayey dowladdu ku sheegtay mid qayb ka ah dadaal qaran ee lagu doonayo in lagu casriyeeyo maamulka guud, laguna tayeynayo adeegyada bulshada, iyadoo lagu xoojinayo amniga, laguna xaqiijinayo in Soomaali kasta si sax ah loo aqoonsado loona diiwaan-geliyo.

Puntland iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada kale ayaa ka horyimid barnaamijkan ay waddo dowladda dhexe, iyagoo ku eedeeyay Muqdisho inay awoodda isku koobayso iyadoo adeegsanaysa kaabayaasha aqoonsiga.

Dhinacyadan ayaa waxay ku doodeen in NIRA ay ka tallaabsanayso hay’adaha heer gobol ayna wiiqayso nidaamka federaalka.

Loollankan siyaasadeed ee jira, dowladda federaalku waxay ku adkaysanaysaa in barnaamijka aqoonsigu yahay mid aan siyaasad ku dhisnayn oo looga gol leeyahay in lagu casriyeeyo hab-maamulka dalka.

Inkastoo hoggaanka NIRA uu beeniyay eedeymaha sheegaya in nidaamka aqoonsigu uu xiriir la leeyahay doorashooyinka soo socda, haddana ujeedka u weyn ayaa lagu sheegay in la xaqiijiyo in si siman loo helo adeegyada dowladda.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa qorsheynaysa in bilaha soo aadan ay lacag ka dhigto kaarka aqoonsiga qaranka ee ay bixiso hay’adda NIRA, kaas oo haatan lagu xirayo adeegyo badan oo dowli ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this