Sign in to follow this  
Deeq A.

Abiy oo wacad ku maray inuu Itoobiya ka saarayo ‘xabsiga juqraafi’, una keenayo bad

Recommended Posts

Deeq A.   
Abiy-Ahmed-Ali.webp

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegay in dalkiisu uu ka bixi doono “albaabada xiran iyo go’doonka” uu ku eedeeyay saboolnimada, isaga oo meesha ka saaray aragtida sheegaysa in dalka ku yaalla Geeska Afrika uu weligiis ahaan doono “maxbuus juqraafiyeed.”

Isagoo ka hadlayay xafladda daahfurka buuggiisa cusub ee Medemer fiidnimadii Talaadada, Abiy ayaa ku dhawaaqay: “Haddii uu jiro qof Itoobiyaan ah oo aaminsan in Itoobiya weligeed ahaan doonto maxbuus juqraafiyeed, qofkaasi waa mid dhintay.”

Wuxuu intaas ku daray in “aanay xikmad ahayn in dal sida Itoobiya oo kale u weyn lagu wareejiyo carruurteena isagoo weli ku dhex jira go’doon,” balse uu ku adkaystay in “colaad iyo dagaal aanay ahayn xal.”

Itoobiya ayaa xeeb la’aan ahayd tan iyo 1993, markii Eritrea ay madaxbannaani qaadatay, waxaana Abiy marar badan ku dooday in go’doonka badda uu caqabad ku noqday kobaca dhaqaalaha dalka.

Arrintan ayaa mar kale muhiimad weyn yeelatay xilliga maamulkiisa, iyadoo Addis Ababa ay si joogto ah u raadineyso marin badeed ku yaalla Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Xiisadda Eritrea

Hadalladiisii ugu dambeeyay ayaa daba socda xiisad weyn oo cirka isku shareertay horraantii bishan, markii uu Abiy ku dhawaaqay inay tahay “arrin waqti uun naga xigo” in Itoobiya ay dib u hesho marinka dekedda Assab ee Badda Cas. Wuxuu ku tilmaamay luminta xeebtii Itoobiya soddon sano ka hor inay ahayd “khalad taariikhi ah” oo la sixi doono, isagoo helitaanka badda u muujiyay arrin ku xiran badqabka qaranka.

Eritrea ayaa si degdeg ah u cambaaraysay hadalladaas, iyadoo ku tilmaantay “dagaal-hurin aan laga fiirsan” iyo “leexin quursi leh” oo lagu sameeyay taariikhda. Is-weydaarsiga hadallada kulul ayaa halis geliyay inuu burburiyo heshiiskii nabadeed ee jilicsanaa ee 2018-kii, kaasoo soo afjaray colaad tobannaan sano soo jirtay oo labada dal u dhaxaysay, kuna muteystay Abiy Abaalmarinta Nabadda ee Nobel.

Waraysi uu siiyay telefishinka dawladda ee EBC, ayuu Abiy ku dooday in “Badda Cas ay ka tirsanayd Itoobiya soddon sano ka hor,” isagoo la’aanta xeebta la xiriiriyay wax uu ugu yeeray “caqabado yaryar” oo joogto ah oo haysta qaranka ka kooban 120-ka milyan ee qof.

Saraakiil sare ayaa ku celiyay farriintiisa, iyadoo Wasiiru Dawlaha Maaliyadda, Eyob Tekalign, uu ka digay in Itoobiya ay “diyaar u tahay inay si adag uga hortagto cid kasta oo ka soo horjeesata” danaha qarankeeda. Saraakiisha ciidanka ayaa sidoo kale ku tilmaamay helitaanka Assab inay tahay arrin “xaq taariikhi ah” iyo “badqab qaran,” inkastoo ay ku nuuxnuuxsadeen in diblomaasiyaddu ay tahay waddada la doorbidayo.

Si kastaba ha ahaatee, Eritrea ayaa gebi ahaanba iska diidday sheegashooyinkaas. Wasiirka Warfaafinta, Yemane Gebremeskel, ayaa difaacay aftidii madaxbannaanida ee 1993-kii, isagoo ku tilmaamay “awood siyaasadeed oo qaran oo aan laga qaadi karin lana wadaagi karin,” wuxuuna meesha ka saaray doodaha taariikheed ee Itoobiya, isagoo ku sifeeyay “hadal siyaasadeed aan sal lahayn.”

Xiisadda Soomaaliya

Xiriirka Soomaaliya ayaa sidoo kale xumaaday kadib heshiis is-afgarad muran dhaliyay oo sannadkii 2024 dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland, oo ah gobolka gooni-u-goosadka ah ee Muqdisho ku adkaysanayso inuu weli ka tirsan yahay madax-bannaanideeda.

Heshiiskan, oo Itoobiya siinayay marin ay ku gaarto Badda Cas isagoo beddelkeeda Itoobiya ku aqoonsanaysay madax-bannaanida Somaliland, wuxuu kiciyay carro xooggan oo ka timid dawladda Soomaaliya, wuxuuna sii xumeeyay xasilooni darrida gobolka. Ankara ayaa soo faragelisay si ay u dhex-dhexaadiso, taasoo keentay Baaqii Ankara ee December 2024; si kastaba ha ahaatee, xiisaduhu weli waa taagan yihiin oo lama xallin.

Falanqeeyayaashu waxay ka digayaan in sheegashooyinka Abiy ee codka dheer ee ku aaddan dekedaha Eritrea, oo ay weheliso isusoo dhoweynta Addis Ababa ee Somaliland, ay halis gelinayaan inay sii xumeeyaan xasilooni darrida Geeska Afrika, halkaasoo ay markii horeba ka jiraan caqabado adag oo ay sababeen colaadaha, isbeddelka cimilada, iyo dhibaatooyinka dhaqaale.

In kasta oo Abiy uu si isdaba joog ah u sheegay in diblomaasiyaddu ay tahay waddada xalka, haddana hadalkiisa cusboonaaday ee ku saabsan helitaanka Badda Cas wuxuu keenay in dalalka deriska ah iyo saaxiibbada caalamku ay isku diyaariyaan waji cusub oo halis ah oo ku yimaada xiriirka Itoobiya ay la leedahay Eritrea iyo Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this