Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Waqooyi Bari oo Xukuumadda Somaliland ku eedeeyay in ay colaad ka hurinayso Gobolka Sool

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1758096177048.jpg?resize=1000%2C6Wasiirka Amniga Waqooyi Bari

Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaliya oo Warsaxaafadeed soo saartay ayaa ku eedaysay Xukuumadda Somaliland abaabul iyo dhaq dhaqaaq colaadeed oo khatar ku ah Amniga iyo Xasiloonida labada dhinac.

Warsaxaafadeedkan oo ka soo baxay wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ayay ku eedaysay Somaliland abaabul ciidan iyo dhaqaaq colaadeed oo ku jihaysan degaannada Waqooyi Bari, taasi oo ay ku tilmaantay tallaabo halis ku ah Nabadda iyo Xasiloonida Geeska Afrika.

Waxay sheegtay in Somaliland isu diyaarinayso in ay weerar ku soo qaaddo degaannada Waqooyi Bari, waxaana ay ugu baaqday dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka in ay qaadaan tallaabooyin deg deg ah oo looga hortagayo weerarka Somaliland.

“Dowladda Waqooyi Bari waxay caddaynaysaa in ay si dhab ah u qaadanayso colaad hurinta ay Somaliland waddo si dhawna ula socoto dhaqdhaqaaq kasta oo ay damacsan tahay, cawaaqib kasta oo ka dhashana ay masuuliyaddeeda qaadayaan Maamulka Hargeysa” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka.

“Dawladda Waqooyi Bari waxay ugu baaqaysaa  Dawladda Federaalka Soomaaliya, Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, IGAD, Ururka Jaamacadda Carabta iyo dhamaan beesha caalamka in si buuxda u cambaareeyaan qorshaha gurracan ee ay ku hawlanyihiin Maamulka Hargeysa. Sidoo kalana ay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo lagu joojinayo Somaliland” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedkan.

Halkaan ka akhriso Warsaxaafadeedka

FB_IMG_1758080114787.jpg?resize=1000%2C1

PUNTLAND POST

The post Maamulka Waqooyi Bari oo Xukuumadda Somaliland ku eedeeyay in ay colaad ka hurinayso Gobolka Sool appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this