Sign in to follow this  
Deeq A.

Mid kamid ah mucaaridka ugu fog ee Siciid Deni oo berri ku wajahan magaalada Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1758103419217.jpg?resize=1000%2C6

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaridsan Xukuumadda Siciid Deni ayaa Khamiista berri ah ku wajahan magaalada Garoowe.

Xasan Abgaal oo lagu xasuusto in uu ahaa wasiirkii Maaliyadeed oo mudadii xil-hayntiisa aysan hal bil xuquuq la’aani ku dhicin ciidamada iyo shaqaalaha dowladda, islamarkaana aysan jirin ciidamo gadoodsan oo waddooyin xirtay ayuu Siciid Deni xilka qaadis ku sameeyay 23th Sep. 2022.

Wuxuu sidoo kale kamid noqday siyaasiyiinta u tartamay xilka Madaxweynaha Puntland doorashadii Jan. 2024, balse dib loogu doortay Madaxweyne Deni ,kaddib markii uu inta badan gacantiisa ku soo qortay kuraastii xildhibaannada oo ay saxiixi jireen odayaasha dhaqanka.

Imaatinka Xasan Abgaal ee Garoowe ayaa ku soo beegmaya xilli ay xuquuq la’aan baahsan ka cabanayaan shaqaalaha iyo ciidamada Puntland oo dhawr jeer gadood sameeyay, kuwaasi oo wakhtigii xil-hayntiisa si joogto ah u heli jiray xuquuqdooda.

PUNTLAND POST

The post Mid kamid ah mucaaridka ugu fog ee Siciid Deni oo berri ku wajahan magaalada Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this