Deeq A. Posted Wednesday at 06:34 PM ๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ Fadhigii 35-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), isla markaana uu wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland. Qodobbada maanta lagaga wada hadlay Fadhigii 35-aad waxa ka mid ahaa: 1. ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐: Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Mudane Cabdalle Maxamed Carab, isaga oo sheegay in guud ahaanba Amniga lixda Gobol ee dalku uu sugan yahay, isla markaana aanay jirin wax qalalaase ama xasilooni darro ah nooc kasta oo ay tahayba oo ka jira lixda Gobol ee Dalka. Dhinaca kale, Wasiir Cabdalle waxa uu sheegay in ay dalka ka jirto deggenaansho siyaasadeed oo buuxa. 2. ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐๐ก๐ ๐๐ก๐๐ช๐๐๐ฅ๐๐ก๐, ๐๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐ค๐ก๐ฅ๐ข๐ ๐: Waxa ka war bixiyey Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL, Mudane Ismaaciil Mawliid Cabdilaahi, isaga oo Golaha u sheegay dedaal badan oo ay samaysay Wasaaraddu gashay kadib, in guud ahaan hawlaha Dakhli ururinta Qaranka ee odoroska bisha September 2025-ka ay u socdaan sidii loogu talo galay. Wasiirku waxa uu sheegay in inta ka hadhay sannadkana la rajaynayo in Xaaladda Dakhliga iyo Dhaqaalaha Qaranku uu ka sii wacnaado. Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in ay si habsami leh u socdaan daraasadaha iyo qorshayaasha lagu xoojinayo Dhaqaalaha Dalka iyo kobcinta wax-soo-saarka gudaha dalka taasi oo ay horseed ka yihiin Guddida sare ee Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirrada JSL oo dhawaan soo gudbin Daraasado dhammaystiran. 3. ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ซ๐๐ก๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐: Waxa ka war bixiyey Wasiirka Diinta iyo Awqaafta JSL Sheekh Cabdullaahi-Baashe Daahir Jaamac oo ah Xubin ka tirsan Guddida Gurmadka Abaaraha Heer Qaran, waxana uu Golaha u sheegay lin dedaallada Gurmadka Abaaruhu si wacan u socdaan, gaar ahaan Dayactirka Ceelasha Biyaha iyo qaybinta deeqaha raashinka oo la gaadhsiiyey meelaha ay ka jiraan baahiyaha ugu badani. 4. ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง ๐ค๐ฎ ๐ฌ๐๐๐๐ฌ๐๐ง ๐ก๐๐-๐ฌ๐๐ฆ๐ข-๐ฎ-๐ฌ๐จ๐๐จ๐๐ค๐ ๐๐ก๐จ๐จ๐๐ค๐, ๐๐๐๐๐ข๐ฆ๐๐๐๐ค๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐ฒ๐๐๐ ๐๐จ๐จ๐ฅ๐๐ก๐: Waxa ka war bixiyey Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga Dr. Cumar Shucayb Maxamed. Wasiirka ayaa Golaha Wasiirrada siiyey warbixin guud oo la xidhiidha dhoofka xoolaha, isaga oo xusay in Wasaaraddu ay adkaynayso nidaamka dhoofinta iyo ilaalinta tayada xoolaha. Wasiirku waxa uu sheegay in ay Wasaaraddu gebi ahaanba mamnuucday dhoofka xoolaha aan gaadhin daโda Dhoofka, si loo ilaaliyo taranka iyo tayada xoolaha dalka. Wasiirku waxa uu sheegay in tallaabadani ay kor u qaadayso sumcadda Somaliland ee suuqyada caalamka ee Xoolaha nool iyo mustaqbalka dhaqaalaha dalka. Sidoo kale, Wasiirku waxa uu sheegay in la xoojinayo kormeerka iyo hubinta caafimaadka Xoolaha. 5. ๐ช๐ฎ๐ฟ๐ฏ๐ถ๐ ๐ถ๐ป๐๐ฎ ๐ซ๐ฎ๐ฎ๐น๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐๐๐๐ฑ ๐ฒ๐ฒ ๐๐ฎ๐ฎ๐ณ๐ถ๐บ๐ฎ๐ฎ๐ฑ๐ธ๐ฎ ๐ฑ๐ฎ๐น๐ธ๐ฎ ๐๐ฆ๐: Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Mudane Dr. Xuseen Bashiir Xirsi. Wasiirka waxa uu Golaha Wasiiradda warbixin ka siiyey xaaladda guud ee caafimaadka dalka, isaga oo xusay hawlaha adeegyada caafimaadka bulshada ee Gobollada Dalka iyo caqabadaha jira ee Qaran ahaan u baahan in wax laga qabto. Dhinaca kale, Wasiirku waxa uu Golaha u caddeeyey in jarista dhaqaalaha caalamiga ah ee ay Dawladda Maraykanku ka jartay Hayโadaha Caalamiga ah (USA global funding cuts) ay saamayn xun ku yeelatay barnaamijyo caafimaad oo muhiim ah ka socday Wasiiradda, halkaasina ay ka dhalatay caqabad iyo baylah culus oo xagga caafimaadka bulshada ah. Ugu dambayntii, Wasiirku waxa uu hoosta ka xarriiqay in ay Wasaaradda ka goโan tahay xaqiijinta iyo xoojinta adeegyada caafimaadka bulshada iyo iskaashiga caalamiga ah, si ay shacabka Somaliland u helaan adeeg caafimaad oo hufan oo joogto ah. 6. ๐๐จ๐จ๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐ซ๐ค๐ ๐๐๐ฅ๐ฅ๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐๐ฒ๐ฌ๐ข๐ ๐ ๐๐๐ซ๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐ซ ๐๐ซ. 84/2025: Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland ayaa toddobaadkii 2-aad dood adag ka yeeshay Xeerka Kalluumaysiga Qaranka JSL Xeer Lr. 84/2025. Dood dheer, soo jeedino iyo talooyin la xidhiidha qabyo-tirka iyo tifaf-tirka Xeerka kaddib, M/weynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), maadaama uu Xeerka Kalluumaysigu yahay Xeer aad u muhiim ah, waxa uu Golaha faray in Xeerka lagu kaabo talooyinka Goluhu soo jeediyey, sidoo kalena lala akhriyo Xeerarka kale ee Dalka, Garyaqaankuna soo dhammaystiro, dabadeedna Todobaadka loo ballamo Ansixinta Xeerka. ALLAA MAHAD LEH Xuseen Aadan Cige (Deyr), Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Qaran News Share this post Link to post Share on other sites