Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo xaqiijiyey inay ka dambeeyeen duqayntii ka dhacday Badhan

Recommended Posts

Deeq A.   

f7c09540-93e6-11f0-9cf6-cbf3e73ce2b9.jpg
Iyadoo maalmihii la soo dhaafay la isla dhex marayey cidda geysatay duqeyn ka dhacday Badhan ee gobolka Sanaag, taasoo lagu dilay Caaqil Cumar Cabdullaahi Cabdi oo aan la xaqijin cidda geysatay weerarka duqeynta ah ee lagu dilay ayaa ciidamada Taliska Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) waxa ay shalay soo saareen hadal qoraal ah oo kooban oo ay ku sheegeen in duqayn cirka ah ay ku beegsadeen ganacsade hubka ka iibiya Al Shabaab 13 September.

Duqeynta ayey sheegeen in ay ka dhacday agagaarka magaalada Badhan.

Taliska ciidamada Ameerikaanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa intaas ku daray “AFRICOM, oo ay weheliyaan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa sii wada tallaabooyinka hoos loogu dhigayo awoodda Al-Shabaab ay ku handadayaan Mareykanka, ciidamadeena iyo muwaadiniinteena ku sugan dibadda”.

Warka kasoo baxay Taliska AFRICOM kuma qorna magaca qofka ay duqeynta ku dileen sidaasi oo kale kama hadlin in cid rayid ah ay duqeyntaasi wax ku noqotay. Ilaa iyo hadda si la isku waafajiyo in ay laba duqeyn ahayd iyo in ahayd duqeyntaas uu caaqilku ku dhintay weli wax faahfaahin ah lama hayo, laakinse xilliga ay duqayntu dhacday, taariikhda ay dhacday iyo meesha ay ka dhacday intaba waxay isla xiriirinayaan dilka caaqilka iyo weerarka Maraykanka.

Bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this