Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad ka dhalatay doorashadii duqa magaalada Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Doorashada duqa degmada Gaalkacyo ee dhinaca dowlad goboleedka Puntland oo maanta ka dhacday xarunta maamulka degmada ayaa noqotay mid ay hareeyeen buuq iyo gacan ka hadal.

Doorashadan ayaa ahayd mid ay si weyn indhaha ugu hayeen shacabka magaalada iyo xisbiyada siyaasadda Puntland, maadaama Gaalkacayo ay tahay magaalo istaraatiiji ah oo xudun u ah ganacsiga iyo siyaasadda gobolada dhexe.

Inta lagu guda jiray wareegii koowaad ee doorashada, waxaa dhacay gacan ka hadal kooban oo dhex maray xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka, taas oo keentay in codbixintu dib u dhacdo muddo kooban.

Si kastaba ha ahaatee, guddiga doorashada ayaa ku guuleystay inay xaaladda dejiyaan, iyagoo kaashanaya ciidamada booliska ee goobta joogay, waxayna doorashadu gashay laba wareeg, iyadoo ugu dambeyntii uu ku guuleystay Xildhibaan Xuseen Dambalas, oo ka tirsan xisbiga talada haya ee Puntland ee KAAH.

Xildhibaan Dambalas ayaa helay codad badan oo ka sarreeyay musharixiintii kale, taasoo ka dhigtay duqa cusub ee Gaalkacayo oo ah magaalo sanadihii dambe wajahaysay culaysyo dhinacyada adeegyada dowliga ah iyo kaabeyaasha nolosha bulshada ah.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this