Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Diidmada Mossad oo sabab u aheyd fashilka weerarkii ay Isaa’iil ku qaaday Qatar

Recommended Posts

Deeq A.   
Mossad.png

Doha (Caasimada Online) – Markii ay Israel Talaadadii shaacisay inay qaadday duqeyn ay ku beegsanaysay hoggaamiyeyaasha Xamaas ee ku sugan Qatar, waxaa si layaab leh bayaannada rasmiga ah uga maqnaa magaca hay’adda sirdoonka ee Mossad.

Sida ay wargeyska Washington Post u sheegeen laba qof oo Israeli ah oo xog-ogaal u ah arrintan, kuwaasoo codsaday inaan magacyadooda la shaacin, sababtu waxay ahayd in Mossad ay diidday fulinta qorshe ay toddobaadyadii u dambeeyay dejisay. Qorshahaas wuxuu dhigayay in la adeegsado sirdoon dhulka jooga si loo khaarajiyo hoggaamiyeyaasha Xamaas.

Ka-gaabashada hay’adda ee ku aaddanayd hawlgalka dhulka ayaa aakhirki saamaysay qaabka weerarka loo fuliyay, iyo suuragalnimada guusha uu gaari karay.

Waxay kaloo arrintani ka tarjumaysay iska-caabbin ballaaran oo ka dhex jirtay hay’adaha ammaanka Israel, taasoo ku wajahnayd hawlgal uu amray Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

In kasta oo saraakiisha amniga Israel ay guud ahaan isku raacsan yihiin hadafka ah in la ugaarsado oo aakhirka la laayo dhammaan hoggaamiyeyaasha Xamaas, oo ay ku jiraan kuwa dibadda jooga, haddana qaar badan ayaa shaki geliyay xilliga la doortay.

Saraakiisha Xamaas waxay ku shirayeen dalka Qatar, oo ah xulafo muhiim ah oo Mareykanku leeyahay, waxayna ka baaraan-degayeen soo jeedin ka timid Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ku saabsanayd heshiis lagu sii deynayo la-haystayaasha Gaza, kaasoo lagu beddelanayo xabbad-joojin.

Halkii ay adeegsan lahayd sirdoonka Mossad, waxay Israel maalintii Talaadada u weecatay qorshe labaad: kaasoo ahaa inay dirtay 15 diyaaradood oo dagaal si ay meel fog uga soo tuuraan 10 gantaal.

Xamaas ayaa sheegtay in duqeyntaas cirka ah ay ku guul-darraysatay in lagu dilo hoggaamiyeyaal sar-sare, oo uu ku jiro hoggaamiyaha rasmiga ah ee dhaqdhaqaaqa, Khalil al-Hayya. Taas beddelkeeda, Xamaas waxay sheegtay in duqeyntu ay dishay dhowr qof oo ay qaraabo yihiin iyo kaaliyeyaal la socday wafdiga, iyo weliba sarkaal u dhashay dalka Qatar.

Saraakiisha Israel ayaa illaa hadda ka gaabsaday inay si fagaare ah shaaciyaan qiimayntooda ku aaddan natiijada ka dhalatay weerarka, inkastoo qof xog-ogaal u ah hawlgalka uu yiri “Israel ma aysan helin cidii ay doonaysay.”

Ma cadda in hawlgal dhulka laga fuliyo uu guul weyn soo hoyn lahaa iyo in kale. Sannadkii hore, sirdoonka Mossad ayaa bam ku xiray qolka jiifka ee hoggaamiyihii Xamaas Ismaaciil Haniyeh ee magaalada Tehran, halkaasoo uu ku geeriyooday.

“Markan, Mossad diyaar uma ahayn inay hawlgalka dhulka ka fuliso,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka Israel ee xog-ogaalka u ah arrintan, isagoo intaa ku daray in hay’addu ay u aragtay Qatar inay tahay dhex-dhexaadiye muhiim u ah wadahadallada lala galo Xamaas.

Qof kale oo Israeli ah oo la socday diidmada hay’adda ayaa isna su’aal geliyay xilliga uu Netanyahu doortay. “Waan heli karnaa sannad, labo, ama afar sano kaddib, Mossad-na way garanaysaa sida loo sameeyo,” ayuu yiri qofkaas oo Israeli ah, isagoo ula jeeday khaarajinta qarsoodiga ah ee lagu beegsanayo hoggaamiyeyaasha Xamaas meel kasta oo ay dunida ka joogaan.

“Maxaa hadda loo fulinayaa?” Dhowr sarkaal ayaa sheegay in Netanyahu, oo u muuqda inuu isku diyaarinayo duullaan dhinaca dhulka ah oo ballaaran oo uu ku qaado magaalada Gaza, ay suuragal tahay inuu ka daalay ama ka quustay wadahadalladii xabbad-joojinta.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this