Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaabiis nolol looga qabtay Shabaab iyo hub culus oo lagu soo bandhigay Ceeldheer

Recommended Posts

Deeq A.   
Maxaabiis-AS.webp

Ceeldheer (Caasimada Online) – Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa gelinkii dambe ee shalay gudaha degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ku soo bandhigay hub iyo maxaabiis laga qabtay kooxda Al-Shabaab.

Maxaabiista nolosha lagu soo qabtay oo labo nin ahaa ayaa la hor keenay warbaahinta, iyagoo garbo duub u xiran. Maxaabiistan ayaa lagu soo qabtay dagaalkii Jimcihii ka dhacay degmada Ceeldheer.

Saraakiisha soo bandhigay maxaabiistan Shabaabka ayaa ballan-qaaday in si habboon loola dhaqmi doono inta lagu wareejinayo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Xafladda lagu soo bandhigay maxaabiista iyo hubka laga furtay kooxda Al-Shabaab waxaa goob joog ka ahaa Taliyaha Qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Korneyl Maxamed Dhagaweyne, Taliyaha Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor Saahid Jaamac Faarax Jareere iyo saraakiil kale.

Waxaa isla goobtaas abaalmarin lacageed lagu guddoonsiiyay askari la sheegay inuu ka hortagay gaari ay kooxda Al-Shabaab kasoo buuxiyeen walxaha qarxa, kaas oo lagu doonayay in lagu weeraro degmada Ceeldheer.

Weerarkii Jimcihii ay Al-Shabaab ku qaadeen degmada Ceeldheer ayaa lagu tilmaamay midkii ugu weynaa ee kooxdaasi ku soo qaaday tan iyo markii degmadaas laga xoreeyay sanadkii 2022.

Dagaalka Ceeldheer oo markii hore ku bilowday gawaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, ayaa waxay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay kala hortageen difaac adag, iyadoo jab culus gaarsiiyeen cadawga.

Dagaalkaasi oo socday muddo saacado ah, waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kuwaas oo loo geystay xubnaha weerarka soo qaaday, iyadoo dowladdu soo bandhigtay muuqaallo meydad ay sheegtay inay halkaasi uga carartay kooxdu.

Ciidanka ayaa dagaalkan ku dilay in ka badan 60 xubnood oo Shabaab ah, iyagoo sidoo kale gacanta kusoo dhigay maxaabiis ay ku jiraan horjoogayaal caan ku ahaa dhibaateynta shacabka, sida ay sheegtay dowladdu.

IMG_5778.webp

IMG_5781.webp

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this