Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir ka tirsan Puntland oo argagixiso ku tilmaamay wasiirka Gaashaandhiga dowladda Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20250910_090235045.jpg?resize=100

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo wareysi kooban bixiyay ayaa ku eedeeyay wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi in uu kamid ahaan jiray Argagixisadii kala danbeeyay ee Maxaakiinta iyo Al-shabaab.

Falcelintan ayaa timid kaddib markii wasiir Fiqi uu ku tilmaamay labada wasiir oo ka tirsan Puntland (Juxa&Caydiid) Rag gaajeysan oo aan gob ahayn, isagoo ku dhaliilay in ay ka qeyb galeen xaflad loogu dabaal-degayay Biya-xireenka Itoobiya oo Garoowe lagu qabtay.

Wasiir Caydiid oo si caro leh uga falceliyay hadalkaasi ayaa Fiqi ku tilmaamay nin gaajaysan oo qabuuraha faagta, islamarkaana hore uga tirsanaa Argagixisadii kala danbeeyay ee Maxaakiinta iyo Al-shabaab.

” Fiqi isagaa gaajaysan oo qabuuraha faagta si uu lacag uga helo, ha iska daayo qabuuraha uu qodanayo. Awalna Al-shabaab buu ahaa oo waa la garanayaa asalkiisa in uu argagixiso ahaa, isagoo koofiyad xun oo maxaakiintii taagan sawirkiisu meel walba waa yaal. Fiqi danbas walba wa soo fadhistay mid Maxaakiin iyo mid Al-shabaab intaba” ayuu yiri wasiir Caydiid Dirir.

PUNTLAND POST

The post Wasiir ka tirsan Puntland oo argagixiso ku tilmaamay wasiirka Gaashaandhiga dowladda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this