Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada Midoobay iyo Dalal badan oo Cambaareeyay Duqeymaha Israa’iil ee Doha

Recommended Posts

Deeq A.   

Duqeymaha ay Israa’iil ku qaaday magaalada Doha ee dalka Qatar ayaa dhaliyay cambaareyn ballaaran oo caalami ah, iyadoo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, uu weerarka ku tilmaamay xad-gudub cad oo ka dhan ah madaxbannaanida iyo nabadgelyada dhuleed ee Qatar.

Mr. Guterres ayaa sheegay in Qatar ay kaalin muhiim ah ka qaadatay dadaallada nabadeed ee gobolka, gaar ahaan heshiisyada xabbad-joojinta Qasa iyo sii deynta maxaabiista, sidaas darteedna weerarrada noocan oo kale ahi ay wiiqayaan nabadda, xasilloonida iyo dhexdhexaadinta Qatar.

Cambaareyntan Qaramada Midoobay waxaa ku biiray dalal dhowr ah oo caalami ah, ayadoo Turkigu uu ku tilmaamay weerarkaas fal gardarro ah oo liddi ku ah sharciga caalamiga ah, halka Iiraan ay sheegtay in uu caddeyn u yahay gardarrada joogtada ah ee Israa’iil.

Masar iyo Urdun ayaa ayaguna ku baaqay in la joojiyo falalka colaadeed ee hurin kara xiisadda, halka Midowga Yurub iyo Faransiiska ay Israa’iil ugu baaqeen in ay ixtiraamto madax-bannaanida dalalka gobolka.

Dhanka kale, dowladda Qatar ayaa si adag u cambaareysay weerarka, waxayna ku tilmaamtay isku day lagu carqaladeynayo kaalinteeda dhexdhexaadineed ee gobolka, iyadoo xukuumaddu ay ballan qaaday in aysan ka tanaasuli doonin kaalinteeda nabadeed.

Duqeymahan ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in ay horseedaan xaalad kacsanaan cusub ah oo gobolka ka qaraxda, xilli ay socdaan dadaallo caalami ah oo lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadda ka taagan Qasa.

Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa ku tilmaamay dhacdadan mid saameyn ku yeelan karta xiriirka diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka, balse ay sidoo kale xoojisay taageerada caalamka ee Qatar.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this