Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay weerarkii Israa’iil ee Dooxa

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saartay bayaan adag oo ay ku cambaareysay weerarrada ay Israa’iil ku qaaday guryaha shacabka ee magaalada Doha, caasimadda dalka Qatar.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in falalkan ay yihiin “xafiltan militari argagixiso” oo si cad u xad-gudub ugu ah madaxbannaanida qaranka Qatar iyo nolosha dadka rayidka ah.

Soomaaliya waxay ku tilmaantay weerarradan kuwo ka hor imanaya dhammaan heshiisyada iyo shuruucda caalamiga ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa caddeysay in weerarradan ay yihiin khalad sharciyeed oo cad, isla markaana ay khatar weyn ku yihiin amniga iyo xasilloonida gobolka iyo caalamka.

Waxa ay ku baaqday in Golaha Ammaanku si degdeg ah uga falceliyo, tallaabooyin cadna ka qaado si loo joojiyo xad-gudubyada joogtada ah iyo in la ilaaliyo shacabka aan waxba galabsan.

Soomaaliya waxay sidoo kale ku adkaysatay inay garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Qatar, iyadoo si buuxda u diidayso dhammaan noocyada gardarrada iyo duullaanka.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this