Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo shirkadaha diyaaradaha ku soo rogtay amar culus kadib go’aankii DF

Recommended Posts

Deeq A.   
Ethiopian-Airlines-2.jpg

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo ay kaga jawaabeyso siyaasadda iyo nidaamka dal ku galka E-Visa oo dhawaan dowlada Soomaliya ay hirgalisay, kaas oo caqabad ku noqday muwaadiniinta qurbo joogta ah ee reer Somaliland iyo cid kasta oo soo galaysa dalka.

Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in Somaliland aan lagu soo geli karin Visa ama oggolaansho dal-ku-gal oo ka soo baxay meel ka baxsan Hay’addaha Socdaalka ee Somaliland.

Sidoo kale wasaaradda ayaa qoraalkan ku caddeysay in la sii xoojiyey siyaasadda dal-ku-galka furan, taasi oo u sahlaysa dhammaan dadka u safraya Somaliland inay dal-ku-galka ka qaataan Madaarka Cigaal ee Hargeysa iyo garoomada kale ee maamulka Somaliland.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in siyaasaddan ay ka timid xukuumada, ugana dan leedahay fududaynta safarrada ganacsiga, dalxiiska, arrimaha bina’aadamnimada iyo kobcinta dhaqaalaha.

Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland ayaa sidoo kale shirkadaha diyaaradaha ee ka hawl-gala Somaliland fartay in ay siyaasaddan la wadaagaan dhammaan xafiisyadooda iyo Rakaabka soo raacaya.

Dhankeeda, Puntland ayaa si rasmi u diiday go’aanka kasoo baxay dowladda dhexe, iyadoo si cad u sheegtay in aysan u hoggaansami doonin nidaamka cusub ee dal-ku-galka Soomaaliya ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid oo mowqifka maamulka la wadaagay warbaahinta ayaa nidaamkan cusub ku tilmaamay “isbaato ay hawada dhigatay” Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo haatan uu khilaaf xooggan kala dhaxeeyo maamulka Puntland.

Wasiir Caydiid ayaa sheegay in lacag dal ku gal ah laga doonayo qof kasta oo ka soo dega garoomada Puntland, taas oo ka dhigan in shacabka u socdaalaya Puntland ay laba jeer bixin doonaan lacagta fiisaha, midaas oo culeyska kusii siyaadinaysa shacabka.

Dhawaan, Dowladda Federaalka ayaa si rasmi ah uga dhawaaqday in qof kasta oo wata baasaboor shisheeye oo dalka imanaya looga baahan yahay in uu dal-ku-galka ku goosto online. Nidaamkan ayay sheegtay inuu yahay hanaan casri ah oo lagu mideynayo nidaamka socdaalka dalka.

Hase yeeshee go’aankan ayaa durba dhibaato ku noqday dadka ka yimaada Puntland iyo Somaliland, kuwaas oo laga rabo inay bixiyaan dal ku gal kale marka ay ka dagaan garoomada Garoowe iyo Hargeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this