Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo saaka u dhoofay dalka Imaaraatiga Carbeed kaddib markii uu marti qaad ka helay

Recommended Posts

Deeq A.   
Madaxweyne-Deni.jpg?resize=1000%2C667&ss

Madaxweyne Siciid Deni ayaa saaka u safray dalka Imaaraadka Carabta, kaddib markii uu ka helay marti-qaad rasmi ah sidaan ka xiganay xubno ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxweyne Deni oo safarka ku weheliyaan xubno ka tirsan Qoyskiisa oo keliya ayaa saaka dhoofay garoonka diyaaradaha Boosaaso, isagoo ku sii jeeda magaalada Dubai ee dalka Imaaraatiga Carbeed, waxaana la sheegay in uu halkaasi u tegeyo wada-hadallo siyaasadeed.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweyne Deni uu shirar siyaasadeed la yeelan doono mas’uuliyiin sare oo kamid ah dowladda Imaaraatiga, balse faahfaahin intaasi ka baxsan lagama helin qodobada labada dhinac ka wada-hadli doonaan.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Puntland oo saaka u dhoofay dalka Imaaraatiga Carbeed kaddib markii uu marti qaad ka helay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this