Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Puntland oo gacanta ku dhigay laba ajaanib ah oo ka tirsan Firxadkii kooxda Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1757419638177.jpg?resize=1000%2C1

Ciidanka Goodir ee Birmadka Booliska Puntland oo hawlgal ka sameeyay togga Gaaca ee Boosaaso ayaa aroornimadii hore ee saaka gacanta ku dhigay laba ajaanib ah oo kamid ah firxadkii Argagixisads Daacish ee ku soo jabay Hawlgalka Calmiskaad.

Hawlgalka Calmiskaad oo warkan xaqiijiyay ayaa sheegay in labadan nin oo u dhashay dalka Itoobiya kana ka soo firxaday togga Baallade ay isku dayayeen in ay dhuumasho ku soo galaan magaalada Boosaaso, balse ciidanka Goodir ee Birmadka Booliska Puntland ku qabteen halka uu togga Gaaca kaga darmo togga Baallade.

” Ciidanku waxay  qabteen labo xubnood oo Ajanabi ah kuwaasi oo ka mid ah firxadka Argagixisada Daacish, isla markaasina isku dayayey in ay dhuumasho kusoo galaan Boosaaso, hawlgalka ayaa ka dhacay Togga Gaaca. Labada Nin waa Itoobiyaan mid uu waxyar ka yaqaano Soomaaliga, wuxuu sheegay in ay kasoo baxsadeen Argagixisada.”

“Ragan waxaa mid walbo wata bac ay ku jiraan Bariis, Yaanyo shiidshiid, Basal iyo Caagad Biyo ah. Waxaa hadda lagu soo wareejiyay Taliska Qeybta  Booliska ee Gobolka Bari. Ciidanka ayaana sii wadaya Hawlgalada ciribtirka Argagixisada Daacish iyo ka hortegista firxadka Argagixisada isku dayaya in ay soo galaan magaalooyinka waaweyn” ayuu sheegay Hawlgalka Calmiskaad.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada Puntland oo gacanta ku dhigay laba ajaanib ah oo ka tirsan Firxadkii kooxda Daacish appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this