Sign in to follow this  
Deeq A.

Saamayntii macaaluushii 1992 waa la yarayn karay

Recommended Posts

Deeq A.   
1000061426.jpg?resize=640%2C424&ssl=1Maxamed Abshir Muuse wuu ka horjeeday in Maxamed Siyaad Barre sii joogay Soomaaliya ilaa 1992kii.

Baydhabo (Faallo) — Qeyb ka mid ah waraysiga afarta qeybood ka kooban, uu Ha Noolaato la yeeshay wariyihii hore ee Laanta af Soomaaliga ee BBC Yuusuf Xasan Mursal, wuxuu dhaliyay su’aalo ku saabsan macaluushii 1992kii ku dhufatay qeybo ka mid ah koonfurta Soomaaliya. Xilligaas wargeysyada Galbeedku waxay macaluusha ku tilmaameen mid heer injiil ah (biblical proportions).

Yuusuf Xasan Mursal wuxuu sheegay in laba waxyaabood ay sababeen macaluushii 1992kii: (1) ciidankii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre oo muddo haystay Baydhabo ka hor inta ururkii USC oo uu Jeneraal Caydiid hoggaaminayay ka saarin Soomaaliya billowgii 1992kii, iyo (2) ciidankii Jeneraal Caydiid oo ay weheliyeen ciidan u dhashay Baay oo uu hoggaaminayay Gaashaanle Sare Maxamad Nuur Caliyow oo raalli ka ahaa in ciidammadii USC boobeen gargaarkii loogu talaggalay dadkii macaaluushu saamaysay. “Jeneraal Caydiid magaalada Baydhaba ayay culimada degmadu Quraan ku saareen” ayuu Yuusuf Xasan Mursal sheegay.

1000061427.jpg?resize=408%2C612&ssl=1Maxamed Siyaad Barre ciidammo u daacad ah ayaa 1991kii qabsaday Baydhabo. 1000059890-1.jpg?resize=750%2C499&ssl=1Jeneraal Caydiid wuu ka hor yimid faragelintii aadaminimo si loo yareeyo macaluushii 1992kii.

Isku day badan ayaa jiray ku saabsan yaraynta kaalinta is hortaagga gargraarku ku lahayd macaaluushii sababtay in dad ka badan 300,000 geeriyoodeen. Yuusuf Wuxuu kale oo sheegay in Jeneraal Caydiid, uu dib u qabsaday Baydhaba 1995kii, isagoo sheeganayay inuu yahay Madaxweynaha Soomaaliya.  

Markii Maxamed Siyaad Barre Qabsaday Baydhaba 1991kii

1991kii, intii uu socday shirkii dib u heshiisiinta ay dowladda Jabuuti abaabushay, waxaa jiray dadaallo la doonayay in Maxamed Siyaad Barre dalka lagaga saaro. Ururkii Somali National  Front oo uu hoggaaminyay Cumar Xaaji Masalle ayaa loo diiday inuu ka qeybgalo shirka Jabuuti halka ururkii SPM loo oggolaaday inuu ka qeybgalo shirka. Cabdirsiaaq Xaaji Xuseen (oo ra’isal wasaare ka ahaa Soomaaliya 1964-1967) iyo Maxamed Abshir Muuse (oo ka hor 1969kii mar ahaa taliyaha ciidanka booliska) waxay aad ugu ololeeyeen in Maxamed Siyaad Barre laga saaro Soomaaliya. Bishii Agoosto  1991kii ayay ciidammadii Siyaad Barre qabsadeen Baydhabo oo ay haysteen ku dhowaad sagaal bilood. Cabdirisaaq Xaaji Xuseen wuxuu shirkii Jabuuti dhigtay uga qeybgalay oday Soomaaliyeed ahaan halka Maxamed Abshir Muuse uu metelayay ururkiia SSDF isagoo Ra’iisal Wasaare ku xigeen ka ahaa dowladdii ururkii USC dhisay 1991kii. Cabdirisaaq iyo Maxamed Abshir waxay ogaayeen dhibaatada  nin madaxweyne ahaa oo dib ugu noqday degmada uu ka soo jeedo geysan karo, waa ka hor inta uusan Siyaad Barre waraysi siinin telefihsin Talyaani ah qeybtii dambe ee 1991kii, waraysigaas oo ku sheegay inuu weli aamminsan yahay inuu yahay Madaxweynaha Soomaaliya.

1000061428.jpg?resize=768%2C843&ssl=1Mohamed Sahnoun waxaa siray qabqablayaashii 1992kii. 1000061430.webp?resize=640%2C425&ssl=1Ka badan 300,000 oo qof ayaa u geeriyooday macaluushii 1992kii ku dhufatay Koonfurta Soomaaliya.

Sanadkii 1992 ayuu Maxamed Abshir Muuse,  oo maamulayay gobolladii la isku oran jiray Waqooyi bari (Waqooyiga Mudug, Nugaal iyo Bari) u sheegay Newsweek in sida keliya oo looga hortagi karo in macaluushu sii fiddo ay tahay faragelin aadaminimo. Wax qarsoon ma ahayn in ciidammadii Jeneraal Caydiid ay boobeen gargaarkii laga soo dejiyay dekedda Muqdisho looguna talaggalay in lala gaaro dadkii ay macaluushii 1992kii ay saamaysay.

1000061429.jpg?resize=852%2C1212&ssl=1Boutros-Boutros Ghali: ”Hawlgalkii Sahnooun ahaa in sahayda gargaarka la gaarsiiyo meelaha dadka macaluushoonaya joogaan wuxuu gacanta u galay koox ganacsatada baad ka qaadda.”

Haddii hub badan uu gacanta u galo ciidan beeleed sita magac siyaasadeed kaddidbna ay qabsadaan degmooyin dadka ku nool aysan hubaysnayn waxaa dhici karta macaluul. Gaashaanle Sare Axmed Cumar Jees ayaa Baydhabo haystay ka hor inta Halwgalkii Rajo Soo Celintu (Operation Restore Hope) uusan billaabanin Diseembar 1992kii. Macaluushii 1992kii waxay ahayd dambi dagaal oo ay galeen  hoggaamiyayaashii hor istaagay in gaargaarka la gaarsiiyo dadka ku nool Shabeellaha Hoose, Baay iyo Bakool iyo dadkii xoogga ku qabsaday Baay iyo Bakool 1991kii.

Qabqablayaashii way sireen Mohamed Sahnoun

Kooxaha hubaysan oo ka tirsanaa ururkii Isbahaysiga Qaranka Soomaaliyeed (Somali National Alliance), waxay sababeen in macaluushu sii fiidday, tirada dadka u dhimanayayna sii badatay. Khudbaddii Madaxweyne George Bush uu jeediyay markii uu ciidammada Maraykanka u soo diray Soomaaliya Diseembar 1992, wuxuu ku tilmaamay hawlgalka tallaabo lagu furayo waddooyinka xiran si gaargaarka loo gaarsiiyo Soomaalida “macaluushoonaysa”.

Mohamad Sahnoun, Wakiilkii Qaramada Midoobay u joogay Soomaaliya 1992kii,  wuxuu rumeystay hadalladii qabqablayaasha. “Warbixintiisii ugu dambaysay uu ii soo diray 12kii Oktoobar 1992kii, wuxuu qoray ‘inuu xiriir iskaashi oo ku salaysan marka loo baahdo la yeeshay la shaqeeyayaal Soomaaliyeed. Baabuurtooda tiknikada ah ayaa loo adeegsanayaa dhowrista amniga’. Wada xaajooyadan ayaa sababay dalabyada “kooxaha hubaysani” ay sii kordheen, oo waxay ku hanjabeen inay xoog adeegsan doonaan si ay danahooda u gaaraan. Hawlgalkii Sahnoun ahaa in sahayda gargaarka la gaarsiiyo meelaha dadka macaluushoonaya joogaan wuxuu gacanta u galay koox ganacsatada baad ka qaadda” ayuu Boutrus-Bourtrus Ghali Xoghayihii Guud ee Qaramada Midoobay, ku qoray buuggiisa Unvanquished: A U.S.-U.N. Saga. Kaddib Sahnoun wuu iska casilay xilkii Wakiika Qaramada Midoobay u jooga Soomaaliya.  Boutrus Ghali wuxuu kale oo sheegay in Jeneraal Caydiid si cad uga hor yimid faragalin aadaminimo si loo yareeyo saamaynta macaluushii 1992kii. Dhegweynidii Mohamed Sahnoun, naxariisdarrdii Jeneraal Caydiid, Maxamed Siyaad Barre, Gaashaanle Sare Axmed Cumar Jees iyo Gaashaanle Sare Maxamed Nuur Caliyow ayaa isku kaashaday dadkii ay macaaluushii 1992kii dhibaatada ba’an u geysatay iyo dadkii u geeriyooday.

© Puntland Post, 2025

The post Saamayntii macaaluushii 1992 waa la yarayn karay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this