Sign in to follow this  
Deeq A.

Dalka UK- Oo dalalka qaar fiisaha ka joojinaysa. Waa kuwee dalalkaas, maxayse tahay sababta?

Recommended Posts

Deeq A.   

8a259590-8cba-11f0-84c8-99de564f0440.jpg

Waxaa suuragal ah in UK ay joojiso fiisooyinka la siiyo dalalka aan ogoleyn in ay la galaan heshiisyada lagu celinayo muhaajiriinta, sidaasina waxaa sheegtay wasiirka cusub ee arrimaha gudaha UK.

Shabana Maxamuud ayaa hadalkan ka sheegtay kulan ay ku martigelisay maanta xoghayaha arrimaha gudaha Mareykanka iyo wasiiro ka socda Australia, New Zealand iyo Canada. Kulankooda waxa uu ku saabsanaa sida ay xogta sirdoonka ku wadaagayaan isbahaysiga Eyes ee dalalkan. Eyes waa isbahaysi sirdoon oo shantan wadan xogta ku wadaagaan.

Wadahadaladan ayaa ku soo aaday iyadoo dowladda uu haysto cadaadis la xiriira sidii ay ku yareyn laheyd tirada muhaajiriinta doomaha kaga soo gudbeysa badda u dhexeysa UK iyo Faransiiska.

Sabtidii ayaa waxay aheyd maalintii ugu horeysay ee si buuxda u shaqeyso Shabana ilaa markii xilka loo dhiibay, waxaana UK soo galay 1,097 qof. Waxay aheyd tiradii ugu badneyd ee soo gasha dalkan.
Hadalkii ugu horeeyay ee ay jeediso Shabana ilaa markii xilka loo dhiibay oo aheyd Jimichii ayey ku sheegtay in mudnaanta koowaad ay siineyso in ay “adkeyso ammaanka” xuduudaha UK.

Mar ay ka hadleysay arrimaha dibadda waxay sheegtay, “Waxaan qabnaa in ay jiraan meel layska kaashado, gaar ahaan sida loola dhaqmayo dalalka aan dib u qaadan muwaadiniintooda, marka waxaan xaqiijin doonaa in aan awood u helno in aan ku celino dalalkaas dadka aan xaqa u laheyn in ay joogaan wadamadeena”.

Mar ay ka hadleysay dalalka diida in ay dadkooda qaataan waxay sheegtay Shabina in ay taas ka hadleen shanta dalka ee ku wadajira Eyes sidii ay ku sameyn lahaayeen tallaabo isku xiran.

“Dhankeena waxaa suuragal ah in aan mustaqbalka jarno fiisooyinka marka waxaan ka fileynaa in dalalkaas ay ciyaarta qeyb ka ahaadaan oo ay sharciga raacaan, haddii hal muwaadin uusan xaq u laheyn in uu joogo dalalkeena, waa in ay dib u qaataan”.

Tiradii la socotay doontii yareyd waxay ka dhigeysaa dadka doonyaha yar yar ku imaaya UK in ay ka bataan 300,000 sanadkan sida lagu sheegay xogta wasaarada arrimaha gudaha. Shabana waxay tiradaas ku sheegtay mid aan la aqbali karin.

Tirada imaaneysa UK ee doonyaha yar yar ku soogleysa sanadkan waxay kordheen 37 boqolkiiba sida ay sheegeen falanqeysyayaasha wakaalada wararka PA.

Shabana Maxamuud waxay kulan la yeelatay xoghahaya arrimaha gudaha Mareykanka Kristi Noem oo madax u ah qeybta socdaalka Mareykanka iyo hay’ada kastamka ee loo yaqaan ICE, waxayna kaalin weyn kaga jirtay dadaalka maamulka Trump ee lagu kordhinayo dadka la ma saafurinayo.

Waxybaaha kale ee kulankooda looga hadlay ee ka mid aha ajandaha waxaa ku jiray xadgudubyada galmo ee carruurta ee ka dhaca internet-ka iyo faafista maandooriyaha Obiyoodis. Kulanka waxaa joogay wasiirka arrimaha badqabka Canada Gary Anandasangaree, wasiirka arrimaha gudaha Australia Tony Burke iyo wasiirka arrimaha gudaha Zealand minister Judith Collins.
a7e05cf0-8cba-11f0-b391-6936825093bd.jpg
Shabana Maxamuud waxay sheegtay in ay rajeyneyso in laysku raaco tallaabooyin cusub oo lagu “ilaalinayo xuduudaha shanateena wadan ee saaxiibada ah iyadoo si adag loola dhaqmayo kuwa dadka tahriibiya.

Shabana Maxamuud waxay hore u aheyd wasiirka cadaalada, waxaana laga dhigay wasiirka arrimaha gudaha kaddib markii uu raysalwasaaraha sameeyay iskushaandheyn weyn oo ka timid markii la badalay Yvette Cooper.

Wasiirka difaaca UK, John Healey, ayaa Axadii xaqiijiyay in dowlada ka fiirsaneyso in ay xarumaha militeriga u isticmaasho meelo la dajiyo magangalyo-doonka. Tallaabadan ayaa u muuqata in dadka laga bixinayo hoteelada hadda la dajiyo. Wuxuu kaloo sheegay in habab kale ay mas’uuliyiintu ka fakarayaan oo noqonaya “noocyo cusub oo guryo ah”.

Bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this