Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo la yeeshay Madaxda Jabuuti iyo Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka qeyb galayey Shirweynaha 2-aad ee Cimilada Afrika, ayaa kulan doceedyo muhiim ah la qaatay Madaxweyneyaasha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya, Mudane William Ruto.

Intii ay socdeen kulammadaasi, waxaa si qoto dheer looga wada hadlay iskaashiga gobolka ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada, adkaynta nabadda, iyo xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya la leedahay labada dal ee deriska ah.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa muujiyey sida ay muhiimka u tahay in dalalka gobolka ay iska kaashadaan la dagaallanka kooxaha khatar ku ah amniga iyo xasilloonida.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya, Jabuuti iyo Kenya uu yahay mid muhiim u ah horumarinta nabadda iyo iskaashiga dhaqaale ee Geeska Afrika.

Kulammadan ayaa ku soo beegmay xilli Soomaaliya ay qaadayso tallaabooyin lagu dhisayo amni waara iyo xasillooni, iyadoo taageerada dalalka deriska ahi ay qayb weyn ka qaadanayso dadaalladaas.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this