Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Israel oo duqeyn la beegsatay goob ay ku shirsanaayeen Madaxda Xamaas oo ku taalla Dooxa

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Israel ayaa maanta weerar cirka ah ku qaaday magaalada Doha ee dalka Qatar, iyagoo sheegay inay si gaar ah ugu beegsadeen madaxda sare ee Xamaas.

Waxaa lagu waramayaa in weerarka lagu bartilmaameedsaday Khaliil Al-Xaya, madaxa siyaasadda Xamaas, iyo Zaahir Jabaariin, oo ka mid ah hoggaanka sare.

Sidoo kale waxaa warar horudhac ah tilmaamayaan inuu goobta ku sugnaa Khaalid Mishcal, oo ka mid ah masuuliyiinta ugu caansan Xamaas, balse xaaladdiisa wali lama xaqiijin.

Qaraxyada ayaa laga maqlay agagaarka Katara District ee caasimadda Qatar.

Dowladda Qatar waxay cambaareysay weerarka, iyadoo ku tilmaamtay xadgudub cad oo ka dhan ah madaxbannaanida iyo sharciga caalamiga ah.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this