Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya oo sameysay arrin hadal-heyn ka dhex abuurtay Soomaalida oo la xiriirta…

Recommended Posts

Deeq A.   
GERD-Itoobiya-Ethiopia.webp

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya oo u dabaal-degaysa furitaanka biyo-xireenkeeda wabiga Nile-ka ayaa sameysay arrin si weyn uga fal-celiyeen Soomaalida.

Arrintan ayaa ah in Itoobiya ay luuqadda Af-Soomaaliga ay qeyb ka dhigtay dabaal-degga biyo-xireenka, iyadoo boggeeda rasmiga kusoo qortay “Hambalyo Itoobiya” kaas oo lasoo raaciyay sawirka biyo-xireenka la furayo.

Dhawaan, furitaanka biyo-xireenkan ayaa waxaa looga dabaal-degay magaalada Garoowe ee maamulka Puntland. Munaasabaddaasi oo ay sol qaban-qaabisay qunsuliyadda Itoobiya ee Garoowe ayaa waxaa maalgelin lacageed uga dhawaaqday Puntland.

Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulka Puntland, Cabdi Faarax Juxa ayaa shaaciyay in Puntland ay maalgelinta biyo-xireenka ku darsatay lacag dhan $1,000.

Wasiirka ayaa sheegay in biyo-xireenkan uu tusaale u yahay waxa Afrika qabsan karto, wuxuuna tilmaamay in mashruucan uu wax weyn ka tari doono dhaqaalaha iyo horumarka Itoobiya iyo guud ahaan qaaradda.

Tan ayaa maamulka Puntland ka dhigaysa dowlad-goboleedkii ugu horreeyay ee ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo si cad u taageera biyo-xireenka Itoobiya, isla markaana ku darsada maalgashi ku darsatay.

Puntland oo muddooyinkii dambe uu khilaaf xooggan kala dhaxeeyay hoggaanka Dowladda Federaalka ayaa u muuqata inay ku xumaneyso arrintaan xiriirka wanaagsan ee Soomaaliya la leedahay Masar.

Masar ayaa iyadu qeyb ka noqotay howl-galka Midowga Afrika ee nabad ilaalinta. Masar ayaa biyo-xireenka ay Itoobiya fureyso u aragta halis ka dhan ah danaha qarankeeda.

Haddaba, sidee looga fal-celiyay?

Cabdi Gaab: “Xabashidu dadkeeda waa isku wadataa, qolo halkaanana waxay taagan yihiin “ma Banaadir baa cid u baahataba” markaasa misana arkin iyagoo midnimo ka sheekaynaya.”

“Hada Ethiopia ma koronto aya loo donanaya walee marka is qabano wata dansatay,” ayuu yiri Madamed Aadan Gaas.

Xasan Axmed: “Soomaali soo kuma hoos jiraan xukunkooda?!”

Ramadaan Maxamed ayaa isna yiri “Abiy waa nin han leh, waxa kale u haray waa mida badda.”

“Waxba yeysan Af Soomaali ku qoran meesha Itoobiya haday rag tahay Eritrea ha gasho,” ayuu yiri Nuux Maxamuud Xaaji.

“Way mudan yihiin in loo hambalyeeyo, sababto ah riyadii mudo ka badan 70 sano shacabkeeda ku haminayeen bay ku guuleysteen. Hambalyo shacabwaynaha reer Ethiopia,” ayuu yiri Nuuraadin Maxamed oo ka fal-celiyay arrintaan.

Cabdiraxmaan Qadraawi: “Haday ugu dabaal dagayso muwaadiniintoda miyaanay ka mid ahayn Soomaalidu?.”

Cabdi Galaydh: “Itoobiya iyo Masar maanta qofkii caqli leh wuxuu garab istaagayaa Masar.”

“Soomaali waa baylah aan cidna difaacin, marka iyadaaba leh ayaan dhihi karaa, sababtoo ah madaxdii DFS iyagoo jajuubsan ayey hoos fadhiyaan Dr Abiy, maamuladana warkooda daa,” ayuu yiri Bishaar Aadan Jibriil.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this