Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah-faahinta fal dil iyo dhaawac ah oo duleedka Beledweyne loogu geystay…

Recommended Posts

Deeq A.   
Beledweyne-scaled.jpg

Beledweyne (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa fal dil iyo dhaawac ah oo kooxo hubeysan ay ka geysteen duleedka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Falkan oo saaka waaberigii dhacay, ayaa waxaa loo geystay laba wiil oo dhalinyar ah, oo midkood la sheegay in uu isla goobta ku dhintay, halka kan kale uu dhaawac culus soo gaaray kadib markii ay rasaas ku fureen dableyda weerarka qaaday.

Qof ka mid ah ehelada wiilka la dilay ayaa xaqiijiyay geerida.

Dhacdadan ayaa ka dhacday deegaanka Helekilyo oo ku yaalla dhanka waqooyi bari ee magaalada Beledweyne oo qiyaastii afar kiiloomitir u jira magaalada.

Dableydii falka geysatay ayaa la soo sheegay inay goobta ka baxsadeen, iyadoo ilaa hadda aan wax war ah kasoo bixin laamaha ammaanka ee degmada Beledweyne.

Qof ka tirsan qoyska wiilka dhintay ayaa sheegay in labada dhalinyaro ay wateen gaari dameero ay ku rarnaayeen bal, kuna sii jeeday suuqyada magaalada, markaas oo ay la kulmeen kooxdan hubeysneyd oo isku dayday inay dhacaan.

Dhacdadan naxdinta leh waxay kusoo beegmaysaa iyadoo mudooyinkii dambe magaalada Beledweyne ay ku sii kordhayso amni darrada, gaar ahaan dhacdooyinka ay burcadda hubeysani ku beegsadaan shacabka, iyagoo ka dhacaya taleefanno iyo agab kale oo muhiim u ah dadka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this