Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland iyo Puntland oo si adag u diiday go’aankii kasoo baxay DF Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
Deni-Cirro.jpg

Garoowe (Caasimada Online) – Maamullada Puntland iyo Somaliland ayaa si adag uga horyimid nidaamka cusub ee soo rogtay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo hanaanka fiisaha ka dhigay hab online ah (e-Visa).

Maamulka Puntland ayaa si rasmi u diiday go’aanka kasoo baxay dowladda dhexe, iyadoo si cad u sheegtay in aysan u hoggaansami doonin nidaamka cusub ee dal-ku-galka Soomaaliya ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid oo mowqifka maamulka la wadaagay warbaahinta ayaa nidaamkan cusub ku tilmaamay “isbaato ay hawada dhigatay” Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo haatan uu khilaaf xooggan kala dhaxeeyo maamulka Puntland.

Wasiir Caydiid ayaa sheegay in lacag dal ku gal ah laga doonayo qof kasta oo ka soo dega garoomada Puntland, taas oo ka dhigan in shacabka u socdaalaya Puntland ay laba jeer bixin doonaan lacagta fiisaha, midaas oo culeyska kusii siyaadinaysa shacabka.

Dhawaan, Dowladda Federaalka ayaa si rasmi ah uga dhawaaqday in qof kasta oo wata baasaboor shisheeye oo dalka imanaya looga baahan yahay in uu dal-ku-galka ku goosto online. Nidaamkan ayay sheegtay inuu yahay hanaan casri ah oo lagu mideynayo nidaamka socdaalka dalka.

Hase yeeshee go’aankan ayaa durba dhibaato ku noqday dadka ka yimaada Puntland iyo Somaliland, kuwaas oo laga rabo inay bixiyaan dal ku gal kale marka ay ka dagaan garoomada Garoowe iyo Hargeysa.

Haatan, qofka wata baasaboorka shisheeye ee ku socda Puntland ama Somaliland ayaa ku qasbanaanaya inuu bixiyo labo lacagood oo dal ku gal ah mid ka e-Visa ee dowladda federaalka iyo midka garoomada labadaas maamul looga baahan yahay.

Tan ayaa kordhinaysa culayska dhaqaale ee dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa qurbaha ku nool. Si kastaba, Puntland iyo Somaliland ayaa u arka go’aanka cusub ee dowladda federaalka mid looga leexsanayo lacago ay hore u qaadi jireen maamulladan, taas oo si adag uga horyimaadeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this