Sign in to follow this  
Deeq A.

Sidee looga fal-celiyay ka qayb-galka Xasan ee biyo xireenka Itoobiya?

Recommended Posts

Deeq A.   
545167018_24374557922173076_233293081135

Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin xooggan ayaa ka dhalatay ka qayb-galka Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee xaflada furitaanka biyo-xireenka ay Itoobiya ka hirgelisay wabiga Nile.

Tallaabadan ayaa dhaawac siyaasadeed ku ah Soomaaliya, sidoo kalena ku lumin karta saaxiibadii la galay dagaalkii diblomaasiyadeed ee ka dhanka ahaa damicii badda ee Itoobiya, kaasi oo si cad ugu gardarootaya qarannimadeenna.

Ka qeyb-galka Soomaaliya ee dabaal-degga ayaa mugdi gelin karta saaxibtinimada istiraatiijiga ee soo jireenka aheyd ee Masar oo si weyn u diidaneyd biyo-xireenka Itoobiya.

Masar ayaa biyo-xireenkan u aragta khad cas ah oo halis ku ah amni qarankeeda iyo kan Suudaan.

Sidoo kale, tallaabada uu maanta qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa burburineysa isbaheysigii saddex geesoodka ahaa ee Soomaaliya, Masar iyo Eritrea looga dhawaaqay Asmara October 2024.

Haddaba sidee looga fal-celiyay ka qayb-galka Madaxweyne Xasan ee furitaanka biyo-xireenka wabiga Nile?

Tawane Gureey:  “Madaxweynuhu waa madaxweyne qaran cidna mooro ugu majiro meeshii laga casuumo wuu tagayaa madaxweynayaa Afrikaan ah ayaa joogo kuwaas ayuuna l simanyahay ee Soomaaliyey aflagada halaga dhafo madaxweynaha”.

Maxamed Cabdisalaan: “Waxaa lagu muransanyahay muxuu ka doonay asagoo safiirkiisa u diri kara waa fashil ina Culusow”.

Suldaan Faarax Baane: “Waxaan rag iyo rabbi aqoon weeye Xasan Sheekh Masar iyo Sudan balantii wuu uga baxay”

Maxamed Cabdiweli: “Waxaan dowladdaan u qirayaa anoo mucaarad ku ah in wax aad xiligiinii ku fashilanteen oo ah amniga Caasimadda inay ku guuleysteen”.

Nuur Dhangad: “Xasan Sheekh meel kasta oo laga waco in uu tago haddii uu rabo isagaa cirka roob ku og”.

Xuseen Cismaan:  “Madaxweynaha wax aRrintaan kala taliya mala waayeY, mise odeyga nasiib daRro Isagaa keligiis go’aanka qaata!!!!”.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this