Deeq A. Posted 14 hours ago Doha (Caasimada Online) – Qaraxyo xooggan ayaa laga maqlay caasimadda dalka Qatar ee Doha, ayada oo lagu warramayo in qaraxyadu ay ka dhasheen weerar lagu beegsaday mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan ururka Xamas. Militariga Israel ayaa xaqiijiyay in ciidankooda cirka, iyagoo kaashanaya hay’adda ammaanka gudaha ee Israel ee Shin Bet, ay isku day dil qorsheysan ka fuliyeen caasimadda Qatar, kaasoo lagu beegsaday hoggaamiyeyaasha ugu sarreeya ee Xamas. Waxay sheegeen in xubnaha Xamas ee la weeraray oo aan la magacaabin ay hoggaaminayeen hawlaha ururkaas muddo sannado ah, waxayna intaas ku dareen inay sii wadi doonaan tallaabooyinka ay “kaga adkaanayaan ururka argagixisada ah ee Xamas”. Weerarkan ayaa ku soo beegmay maalmo kadib markii taliyaha ciidanka Israel, Eyal Zamir, uu ku hanjabay in la khaarijin doono hoggaamiyeyaasha Xamas ee dibadda ku nool, iyo saacado kadib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda, Gideon Saar, uu sheegay in Israel ay aqbashay hindise xabbad-joojin ah oo ku saabsan Gaza, kaasoo uu soo bandhigay Mareykanku. Ilo-wareed sare oo ka tirsan Xamas ayaa u sheegay Al-Jazeera in hoggaamiyeyaal ka tirsan ururka lagu beegsaday magaalada Doha, xilli ay ka wada hadlayeen hindisaha Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee la xiriira xabbad-joojin laga hirgeliyo Marinka Gaza. Majed Al-Ansari, oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Qatar, ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in dalkiisu uu “si adag u cambaaraynayo” weerarka, oo uu tilmaamay in lagu qaaday dhismayaal la degganyahay oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan xafiiska siyaasadda ee Xamas. “Weerarkan dembiga ah wuxuu ka dhigan yahay xadgudub bareer ah oo lagu sameeyay dhammaan shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah, waana khatar weyn oo ku wajahan amniga iyo badqabka muwaadiniinta Qatar iyo dadka deggen,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. “Iyadoo si adag u cambaaraynaysa weerarkan, Dowladda Qatar waxay cadaynaysaa in aysan u dulqaadan doonin dhaqankan taxadar la’aanta ah ee Israel iyo faragelinta joogtada ah ee ay ku hayso amniga gobolka, iyo sidoo kale tallaabo kasta oo lagu beegsanayo amnigeeda iyo madaxbannaanideeda. Waxaa socda baaritaanno heerka ugu sarreeya ah, waxaana faahfaahin dheeraad ah la shaacin doonaa marka ay soo baxdo.” Weriyaha Al-Jazeera, Suhaib al-Assa, ayaa soo sheegaya in goobta ay Israel ku beegsatay magaalada Doha ay tahay xaafad ay dad rayid ah deggan yihiin, oo aysan ahayn goob ka go’doonsan dadka. Al-Assa wuxuu saraakiisha amniga ka soo xigtay inay sheegeen in mudnaantooda koowaad ay tahay sugidda amniga goobta weerarku ka dhacay iyo in la ogaado baaxadda khasaaraha soo gaaray dad iyo hanti. “Habraacyada ammaanku waa kuwo aad u adag, sababtoo ah waxaan ka hadlaynaa goob aad xasaasi u ah,” ayuu yiri. Share this post Link to post Share on other sites