Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo shaacisay natiijada baarista geerida Axmed Caddib

Recommended Posts

Deeq A.   
544905437_1334256758261355_8704397031220

Hargeysa (Caasimada Online) – Laanta dambi baarista C.I.D ee Booliska Somaliland ayaa maanta soo gabagabeysay baariska kiiska Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Xuseen Caddib oo dhawaan laga helay isaga oo mayd ah qolkii uu ka deganaa huteel Xaaji Ibraahim oo ku yaalla degmada Gacan-libaax ee magaalada Hargeysa.

Madaxa baarista C.I.D Gaashaanle Daahir Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa faah-faahin ka bixiyay baaristooda, wuxuuna sheegay inay ku ogaadeen in marxuumka ay ku qaraxday bistooladdiisa, isla markaana uu sidaas ku dhintay.

“Qolka waxaa loogu tegay biskooladdii marxuumka oo qashir ku go’an yahay oo ak-taalla maydka maxuumka” ayuu yiri madaxa baarista oo faah-faahin ka bixiyay natiijadooda.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Marxuumkaas waxaa sabab u noqday bistooladdaas oo ku qaraxday, sidaas daraadeed waxaa kiiskaas kusoo gabagabeyneynaa inaan u gudbino xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qaranka”.

Dhinaca kale xeer-ilaaliyaha guud ee ciidanka Somaliand oo loo gudbiyay baarista ayaa isaguna sheegay inay u cadaatay in marxuumka dilkiisa aanu ka dambeyn cid kale, balse ay sabab u noqotay bistooladdiisa oo ku qaraxday, sidaasna ay kusoo laabeen kiiska.

“Waxaa noo cadaatay in marxuumka ay geeridiisa sababtay biskooladdiisii oo isagu cabbeeyay keebkana qabtay, kuna qaraxday, maadaama caynkaa ay tahay sharcigu wuxuu nafarayaa in kiiskaas sidaas lagu oodo” ayuu isna yiri xeer ilaaliyaha guud ee ciidanka

General Axmed Cadib ayaa ahaa sarkaal muhiim ah oo ka tirsanaan jiray jabhadiid SNM, waxaana geeridiisa ay dhalisay shaki xooggan, illaa heer lala xiriiriyay sirdoonka Puntland’

Hase ahaatee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Maamulka Puntland ee PISA oo qoraal soo saartay ayaa iska fogeysay eedeynta loo jeediyay, waxaya tilmaamtay in ay been abuur yihiin wararka la baahiyay ee ku aadan in iyagu ay ka dambeeyeen dilka loo gaystay Axmed Caddib, kaas oo hadda la xaqiijiyay inay ku qaraxday bistooladdiisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this