Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Puntland oo qabtay rag halis ah oo kusoo socday Boosaaso + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_2713-1.webp

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada difaaca Puntland ee howlgallada ka wada aagga buuraha Calmiskaad ayaa maanta gacanta kusoo dhigay rag ajaaniib ah oo loo arko halis, kana soo firxaday maleeshiyaadka kooxda Daacish ee lagu jabiyay dagaallada ka socda halkaasi.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Howlgalka Calmiskaad ayaa waxaa lagu sheegay in ragga la qabtay oo laba ah ay doonayeen in ay si dhuumaaleysi ah ku galaan magaalada Boosaaso, balse waxaa gacanta ku dhigay ciidamada ammaanka oo ku qabtay aagga togga lagu magacaabo Gaaca oo horay looga xoreeyay maleeshiyaadka Daacish.

“Ciidanku waxay qabteen labo xubnood oo Ajanabi ah kuwaasi oo ka mid ah firxadka Argagixisada Daacish, isla markaasina isku dayayey in ay dhuumasho kusoo galaan Boosaaso, hawlgalka ayaa ka dhacay Togga Gaaca” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka

Sidoo kale, Puntland ayaa sheegtay in ajaaniibta la qabtay ee kasoo jeedaan Itoobiya, ayna kasoo baxeen kooxda Daacish ee looga adkaaday dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad.

Waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in ragga la qabtay ay haatan ku socdaan baaritaanno, waxaana loo gudbiyay taliska qaybta booliska ee gobolka Bari.

“Labada Nin waa Itoobiyaan mid uu waxyar ka yaqaano Soomaaliga, wuxuu sheegay in ay kasoo baxsadeen Argagixisada . Ragan waxaa mid walbo wata bac ay ku jiraan Bariis, Yaanyo shiidshiid, Basal iyo Caagad Biyo ah” ayaa lasii raaciyay qoraalka kasoo baxay taliska howlgalka Calmiskaad.

Waxaa kale oo qoraalka lagu yiri “Waxaa hadda lagu soo wareejiyay Taliska Qeybta Booliska ee Gobolka Bari. Ciidanka ayaana sii wadaya Hawlgalada ciribtirka Argagixisada Daacish iyo ka hortegista firxadka Argagixisada isku dayaya in ay soo galaan magaalooyinka waaweyn”.

Ciidamada ayaa weli howlgalka sii wada, waxaana ujeedka uu yahay in laga hortago firxadka argagixisada iyo suurtagalnimada weeraro ay kasoo abaabulaan buuraha hoostooda.

Tan iyo marka ay billowdeen howlgallada Calmiskaad, ciidanka Puntland ayaa xoreeyay dhul ballaaran, waxaana sidoo kale ay nolosha ku qabteen xubno ka tirsan kooxda Daacish oo isugu jiro Soomaali iyo Ajaaniib, waxaana kamid ahaa ajaaniibta soo gacan galay nin kasoo jeeda dalka Turkiga, kaas oo ay horay usoo bandhigtay Puntland.

IMG_2713-1.webpIMG_2714-1.webp

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this