Sign in to follow this  
Deeq A.

Garoowe oo lagu qabtay Xaflad hordhac u ah daah-furka Biyo-xireenka Itoobiya ka hirgelisay webiga Niilka

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1757310742942.jpg?resize=1000%2C6

Qunsuliyadda dowladda Itoobiya ee magaalada Garoowe ayaa xaflad hordhac ah u qabatay munaasibadda Xarig-jarka Biyo-xireenka weyn ee Itoobiya ka hirgelisay webiga Niilka, kaasi oo dhawaan si rasmi ah loo daah-furayo.

Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo uu hoggaaminayo wasiirka Arrimaha gudaha Cabdi Faarax Siciid Juxa oo ka kooban xubno ka tirsan golaha Wasiirrada, duqa Degmada, shirkado ganacsi iyo marti sharaf kale ayaa ka qeyb galay xafladda hordhaca u ah munaasibadda  furitaanka Biyo-xireenka Abaay.

Xafladdan ay soo qaban-qaabisay qunsuliyadda Itoobiya ee ku taalla caasimadda Puntland oo uu hoggaaminayey kusimaha Qunsulka Safaaradda, Mudane Yidnekachew Tekle A, waxaa Intii ay socotay lagu soo bandhigay hiddo-dhaqameedka kala duwan ee dalka Itoobiya.

Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa si gaar ah u xusay muhiimadda iskaashiga Puntland iyo Itoobiya ee dhinacyada kala duwan Sida; siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga. Waxaa si gaar ah loo tilmaamay kaalinta muuqata ee Itoobiya ka geysatay dagaalka lagula jiro argagixisada Daacish.

FB_IMG_1757309588336.jpg?resize=1000%2C6 FB_IMG_1757310721292.jpg?resize=1000%2C6 FB_IMG_1757309605212.jpg?resize=1000%2C6 FB_IMG_1757310733634.jpg?resize=1000%2C6 FB_IMG_1757309583987.jpg?resize=1000%2C6

PUNTLAND POST

The post Garoowe oo lagu qabtay Xaflad hordhac u ah daah-furka Biyo-xireenka Itoobiya ka hirgelisay webiga Niilka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this