Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Ciidamo ka gadoodsan mushaar la’aan oo saaka qabsaday xaruntii degmada Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1757311785332.jpg?resize=1000%2C7

Ciidamada Dowladda Hoose ee degmada Gaalkacyo oo ka gadoodsan mushaar la’aan ayaa saaka xirtay xaruntii degmada, islamarkaana shaqaalihii u diiday in ay gudaha u galaan xarunta, si ay waajibkooda shaqo u gutaan.

Xubno ka tirsan shaqaalaha Dowladda Hoose ee Gaalkacyo oo tegey xaruntii degmada ayaa dib uga soo laabtay waxaana laga soo xigtay in ciidamado ka tirsan degmada oo mushaar la’aan ka cabanaya qabsadeen halkaasi oo ay ka celinayaan shaqaalaha in ay gudaha u galaan.

Shaqaalaha iyo ciidamada Puntland ayaa dhawaanahan wajahaya xuquuq la’aan, waxaana wasiirka Maaliyadda oo maalin ka hor su’aal laga weydiiyay uu sheegay in dhismaha waddooyinku ay ka muhiimsan yihiin xuquuqda shaqaalaha, taasi oo dhalisay falcelin xooggan oo baraha bulshada qabsatay.

Dhinaca kale, Siyaasi Guuleed Saalax Barre oo qoraal ka soo saaray mushaar la’aanta xukuumadda madaxweyne Deni ku samaysay shaqaalaha iyo ciidamada difaaca Puntland ayaa ka dalbaday dowladda in au sida ugu dhakhsaha badan u bixiso xuquuqda ka maqan shaqaalaha iyo ciidamada.

“Shaqaalaha iyo ciidamadu waa lafdhabarta dawladnimada iyo difaaca dalka. Waxaan ku baaqaynaa in xuquuqdooda si degdeg ah loo bixiyo, lana dejiyo hannaan sharci oo ka hortaga dib u dhac iyo ku tumasho dambe inaysan dhicin, sidoo kalana lala xisaabtamo masuuliyiyiinta masuulka ka ah dayacan , oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Deni” ayuu yiri Guuleed Saalax.

Wuxuu sidoo kale ka digay sii socoshada duudsiinta xuquuqda shaqaalaha iyo ciidamada oo uu ku tilmaamay mid sii adkaynaysa xaaladda iyo duruufaha nololeed ee qoysaskooda, taas oo horseedi karta niyad jab, habacsanaan maamul iyo amni xumo, sida haddaba dhacda in ciidamo duruufaysan ay xirtaan waddada dheer ee laamiga ah.

PUNTLAND POST

The post Puntland: Ciidamo ka gadoodsan mushaar la’aan oo saaka qabsaday xaruntii degmada Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this