Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Somaliland oo lagu soo dhaweeyay magaalooyinka Dila iyo Boorama

Recommended Posts

Deeq A.   

 

FB_IMG_1757270722788-300x200.jpg

FB_IMG_1757270731476-300x200.jpg

FB_IMG_1757270745440-300x200.jpg

FB_IMG_1757271017674-300x200.jpg

FB_IMG_1757271005186-300x200.jpg

FB_IMG_1757270989470-300x200.jpg

FB_IMG_1757270978145-300x200.jpg

FB_IMG_1757270974598-300x200.jpg

FB_IMG_1757270970624-300x200.jpg

FB_IMG_1757270938262-300x200.jpg

FB_IMG_1757270921999-300x200.jpg

FB_IMG_1757270909387-300x200.jpg

FB_IMG_1757270898908-300x240.jpg

FB_IMG_1757270872001-300x159.jpg

FB_IMG_1757270819700-300x200.jpg

FB_IMG_1757270918043-300x200.jpg

FB_IMG_1757270763085-300x200.jpg

FB_IMG_1757270771924-300x200.jpg

FB_IMG_1757270794894-300x200.jpg

FB_IMG_1757270715470-300x200.jpg

FB_IMG_1757270597538-300x200.jpg

FB_IMG_1757270643843-300x200.jpg

FB_IMG_1757270592146-300x200.jpg

FB_IMG_1757270586785-300x200.jpg

FB_IMG_1757270578760-300x200.jpg

FB_IMG_1757270575079-300x200.jpg

FB_IMG_1757270570865-300x200.jpg

FB_IMG_1757270561491-300x200.jpg

FB_IMG_1757270648435-300x200.jpg

FB_IMG_1757270902941-300x200.jpg

FB_IMG_1757270997681-300x200.jpg

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo weftigii uu hogaaminaayey ayaa galabta si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalooyinka Dila iyo Boorama ee Gobolka Awdal

Bulshada reer Awdal ayaa si niyad-wanaag iyo farxad leh u soo dhaweeyey Madaxweynaha iyo weftigiisa, iyaga oo shucuurtooda ku muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin booqashada Madaxweynaha, iyaga oo ku tilmaamay in safarkiisu uu yahay mid muujinaya wadajirka iyo midnimada shacabka Somaliland.

Markii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland soo gaadhay Gobolka Awdal, waxa uu si kal iyo laab ah u salaamay shacabka iyo madax dhaqameedka Gobalka , kuwaasi oo ku soo dhaweeyey Calanka Qaranka JSL iyo caleemo qoyan.

Madaxweynuhu inta uu ku sugan yahay magaalada Boorama, waxa uu kulammo muhiim ah la yeelan doonaa Madaxda heer Gobol iyo kuwa Degmo, wax-garadka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada reer Awdal. Kulamadaasi waxa diiradda lagu saari doonaa arrimaha horumarinta adeegyada bulshada, xoojinta wada-shaqeynta Hay’adaha Dawladda iyo bulshada rayidka ah, iyada oo laga wada hadli doono xoojinta nabadda, wada-jirka iyo midnimada ummadda reer Somaliland.

Dhanka kale, Madaxweynuhu waxa uu ka qayb geli doonaa Xafladda Qalin-jabinta Jaamacadda Camuud.

𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇

𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫),
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this