Deeq A. Posted yesterday at 07:14 AM Raysalwasaaraha Ukrayn ayaa sheegay in dhismaha ugu weyn ee dawladda Ukrayn ee ku yaalla Kyiv, markii ugu horraysay la garaacay. Yulia Svyrydenko ayaa sheegtay in saqafka sare ee dhismaha iyo dabaqa sare lagu baabi’iyay waxa u ugu yeedhay “Weerarrada cadowga”. Ugu yaraan afar qof ayaa lagu dilay weerarkaasi oo ay ku jiraan ilmo socod barad ah iyo gabadh da’ yar, kaddib markii dhismo ka kooban sagaal dabaq lagu weeraray degmada Svyatoshynsky ee magaalada Kyiv, sida ay saraakiishu sheegeen. Ciidamada cirka ee Ukraine ayaa sheegay in tiro badan oo diyaarado iyo gantaallo laga soo riday dalka Ruushku ay qayb ka ahaayeen weerarkii habeenkii ugu dambeeyay. Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in weerarrada is daba joogga ah ay khasaare ka geysteen magaalooyinka Zaporizhzhia, Kryvyi Rih iyo Odesa, iyo sidoo kale gobollada Sumy iyo Chernihiv. Source bbcsomali Qaran News Share this post Link to post Share on other sites