Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Cirro Oo booqday 𝐔𝐠𝐚𝐚𝐬𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝, 𝐔𝐠𝐚𝐚𝐬 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐫𝐚𝐬𝐡𝐢𝐢𝐝 𝐔𝐠𝐚𝐚𝐬 𝐑𝐨𝐨𝐛𝐥𝐞 𝐔𝐠𝐚𝐚𝐬 𝐃𝐨𝐨𝐝𝐢.

Recommended Posts

Deeq A.   

FB_IMG_1757355271192-300x240.jpgFB_IMG_1757355197042-300x240.jpg

FB_IMG_1757355192477-300x300.jpg

FB_IMG_1757355200015-300x300.jpg

FB_IMG_1757355203119-300x200.jpg

FB_IMG_1757355209070-300x240.jpg

FB_IMG_1757355212387-300x200.jpg

FB_IMG_1757355220206-261x300.jpg

FB_IMG_1757355236310-300x200.jpg

FB_IMG_1757355244004-300x200.jpg

FB_IMG_1757355247774-300x300.jpg

FB_IMG_1757355258701-300x200.jpg

FB_IMG_1757355265901-300x200.jpg

FB_IMG_1757355271192-1-300x240.jpg
𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝, 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐫𝐚𝐱𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐥𝐥𝐚𝐚𝐡𝐢 (𝐂𝐢𝐫𝐫𝐨) 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐝𝐚𝐲 𝐔𝐠𝐚𝐚𝐬𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝, 𝐔𝐠𝐚𝐚𝐬 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐫𝐚𝐬𝐡𝐢𝐢𝐝 𝐔𝐠𝐚𝐚𝐬 𝐑𝐨𝐨𝐛𝐥𝐞 𝐔𝐠𝐚𝐚𝐬 𝐃𝐨𝐨𝐝𝐢.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa gurigiisa magaalada Boorama ku booqday Ugaaska Guud, Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi.

Kulankan oo ahaa mid taariikhi ah oo muhimmad iyo mudnaan gaar ah lahaa, ayaa lagu lafa-guray arrimo muhiim ah oo taabanaya nabadda, wadajirka ummadda iyo horumarka dalka, waxa lagaga wada hadlay doorka soo jireenka ah ee uu Ugaaska Guud ku leeyahay dhismaha Qaranka JSL iyo ilaalinta nabadda iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu Ugaaska ku bogaadiyey hoggaamintiisa xikmadda iyo xasilloonida ku dhisan, isaga oo xusay in hoggaamada dhaqanku ay yihiin tiir muhiim ah oo lagu ilaaliyo wada-noolaanshaha iyo wadajirka shacabka Somaliland.

Dhankiisa, Ugaaska Guud, Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uga mahad naqay booqashada uu ugu yimid, sidoo kalena bogaadiyey dadaallada uu Madaxweynuhu ugu jiro adkaynta nabadda iyo horumarinta dalka, isaga oo Ugaasku ballan qaaday in bulshada ballaadhan ee uu Ugaaska u yahay ay si buuxda u garab taagan yihiin Qarannimada iyo Dawladnimada Somaliland.

Waxa xusid mudan in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi uu xilligii ololaha doorashada Madaxtooyada uu ku ballan qaaday in Ugaaska Guud, Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble uu dalkiisa si nabad, xushmad iyo karaamo leh ugu soo noqon doono. TAASINA WAA BALLAN QAAD KALE OO UU FULIYEY MADAXWEYNE CABDIRAXMAAN CIRRO.

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this