Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan Sheekh oo xil cusub u magacaabay Maxamed Maxamuud Maxamed

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Sheekh-1-scaled.jpg

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa si rasmi ah oo dhaqangal ah xilkaan ugu magacaabay Maxamed Maxamuud Maxamed (PHD), sida lagu yiri wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha.

Wareegtadan oo ay baahisay Villa Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo tixgalinaya khibaraddiisa qotoda dheer ee aqooneed iyo middiisa maamul u magacaabay xilkaan Dr. Maxamed, una rajeeyay inuu waajibaadkiisa u guto si xilkisnimo leh.

Madaxweynaha ayaa ku booriyay guddoomiyaha cusub se Jaamacadda Umadda inuu u guntado sidii loo sii xoojin lahaa dadaallada socda ee lagu xoojinayo heerka tayada iyo hufnaanta tacliinta sare ee dalka.

Dr. Maxamed Maxamuud ayaa kamid ah aas-aasayaashii Jaamacadda Simad ee magaalada Muqdisho, sida ay ogaatay Caasimada Online.

545137022_1241704844667319_2265024264834

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this