Sign in to follow this  
Deeq A.

Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo booqday degaan xeebeed saaran dhulka laga ciribtirayo Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1757078484785.jpg?resize=1000%2C6

Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, Cabdullaahi Bile Nuur oo uu weheliyo Wasiir ku xigeenka Maaliyadda, Cabdullaahi Ismaaciil Maxamed ayaa maanta safar shaqo ku tegey degaanka Bacaad oo ka tirsan degmada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Mas’uuliyiintan ayaa kulamo la yeeshay bulshada kala duwan ee Bacaad iyo cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda oo ka hawlgala degaankaasi, waxaana ay kala hadleen sidii loo dardar gelin lahaa dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ee ku dhuumaaleysanaya buuraha Calmiskad.

“Maanta aniga iyo Wasiir Ku-xigeenka Maaliyadda Puntland waxaannu safar shaqo ku tagnay deegaanka Bacaad ee hoos yimaada degmada Boosaaso.Waxaannu halkaas kula kulannay bulshada deegaanka oo si diirran oo sharaf leh noo soo dhaweeyay, waxaana ka wada hadalnay sidii loo dardar gelin lahaa dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ee ku dhuumaaleysanaya buuraha Calmiskad.”

“Sidoo kale, waxaan dhiirrigelin iyo bogaadin u gudbinay cutubyada geesiyaasha ah ee Ciidanka Puntland ee howlaha joogtada ah ka wada deegaanka, anagoo ku adkeynay muhiimadda ay leedahay in la labanlaabo dadaallada socda si loo sugo nabadda iyo horumarka shacabka” sidaasi waxa qoray Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, Cabdullaahi Bile Nuur oo ka warbixinayay safarkaasi.

PUNTLAND POST

The post Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo booqday degaan xeebeed saaran dhulka laga ciribtirayo Daacish appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this