Sign in to follow this  
Deeq A.

Miyay Gaalkacyo ku habboon tahay inay noqoto caasimadda Soomaaliya?

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo waa magaalada keliya oo wixii ka dhacay 199kii lagu tilmaami karo isku day isir-suulin.

1000059890.jpg?resize=750%2C499&ssl=1“26kii Febraayo 1991kii ciidamada ururka USC oo uu hoggaaminayo Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid ayaa weeraray Gaalkaacyo iyo magaalooyinka kale ee Mudug, oo waxay jab u geysteen cadawga, oo gacanta ayay ku hayaan magaalada [Gaalkacyo]” ayay USC ku qortay war saxaafadeed ku saabsanaa weerarkii ururkii USC ku soo qaaday caasimadda Mudug.

Gaalkacyo (Faallo) — Dhowaan Xildhaabaan Dhaashane, oo ka  tirsan Baarlamaanka Puntland, wuxuu soo jeediyay in Gaalkacyo noqon karto caasimadda Soomaaliya. “Galmudug iyo Puntland ayaa iska ka kaashan doona arrintaas” ayuu Dhaashane yiri isagoo Gaalkacyo ka jeedinayay khudbad  ku saabsan 27 guurada Puntland.

Dood kale oo ku saabsan Gaalkacyo rag ka qeybgalay waxay soo bandhigeen in Gaalkacyo ay ku habbon tahay inay noqoto  caasimadda Soomaaliya. Mid ka ka mid ah doodayaasha, wuxuu sheegay in “Muqdisho dadkii lahaa ay ka qexeen 1991kii.” Wuxuu sheegay in gobaadfalladii Muqdisho ka dhacay 1991kii iyo waqtigii ka dambeeyay ka dhigeen Muqdisho meel aan ku habboonayn inay sii ahaayo caasimadda Soomaaliya. “Gaalkacyo ayaa kaga habboon” ayuu ku dooday.

Sideedaba magaalo qof guri ama guryo ama hanti wuu ku yeelan karaa, laakiin marnaba qofku ma sheegan karo inuu magaalada leeyahay. Sidoo kale, beel ma sheegan karto inay magaalo leedahay. Waagii dhulgoosiga (feudalism) ayay boqorradu iyo kaniisaddu aamminsanayeen inay magaalooyinka  leeyihiin, oo dadka ku nool yihiin kireystayaal (tenants).

Haddii Muqdisho lagu qiimeeyo wixii ka dhacay 1991kii iyo kaddib, waxaa xeer noqonaysa in magaalo lagu qiimeeyo (1) wixii ka dhacay, ama (2) in magaalo/degmo ay tahay meel hal beel ay u badan tahay. Haddii beel ay ku badan tahay magaalo isla markaasna sheegato lahaanshaha magaalada, magaaladaas waxay u nuglaanaysaa tilmaammaha hadda Muqdisho dadka qaarkood ku duraan.

Gaalkacyo way ka yar tahay Muqdisho, laakiin wixii ka dhacay 1991kii degmadaas waa colaado loo soo qaadan karo inaysan ku habboonayn inay noqoto Caasimadda Soomaaliya. 1991kii bishii Febraayo dhammadkeedii ciidammada ururkii United Somali Congress (USC, oo uu hoggaaminayay  Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid ayaa Gaalkacyo qabsaday. Dhowr dhinac ayay magaalada ka soo weerareen; ku talaggalkoodu wuxuu ahaa in dadka hadda deggan waqooyiga Gaalkcagyo aysan u qixin degmooyinka Gaalkacyo ka xiga waqooyiga.

1000059892.webp?resize=800%2C450&ssl=1“[Jeneraal Caydiid] wuxuu dagaal aan kala joogsi lahayn ku waday Gaalkacyo oo mar ay gacantiisa gashay uu ku xasuuqay dad gaaraya kun iyo dheeraad” ayuu Cabdullaahi Yuusuf ku qoray buuggiisii Halgan iyo Hagardaamo.

USC waxay ahayd jabhad xukunka 1991kii qabsatay, bil ka hor weerarka Gaakacyo, oo sidatay hubkeedii hore iyo hub badan oo ay ka heshay xeryihii Xoogga Dalka ee ku yiil Muqdisho. Ma sugna tirada rayidka uu ururkii USC ku laayay Gaalkacyo laakiin in tiradu aad u badan tahay su’aal kama taagna. In haween, carruur iyo dad da’weyn midna aan la bixinin waa mid ka mid ah raadadka weerarkii USC ku soo qaadday Gaalkacyo 1991kii. Ilaa hadda dadka Gaalkacyo waqooyigeeda ku nool kama hadlaan weerarkaas taariikhda galay. War saxaafadeed ururka USC soo saaray  wuxuu ku xusay sida weerarku u dhacay.

26kii Febraayo 1991kii ciidamada ururka USC oo uu hoggaaminayo Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid ayaa weeraray Gaalkaacyo iyo magaalooyinka kale ee Mudug, oo waxay jab u geysteen cadawga, oo gacanta ayay ku hayaan magaalada [Gaalkacyo].”

Dhafoorqiiq iyo Siyaad Barre

In saamaynta weerarka ururkii USC 1991kii ku soo qaaday Gaalkacyo sababay xasuuq ba’an waxaa qeyb ahaan fududeeyay go’aankii xoogagii Dhafoorqiiq (oo hore uga tirsanaa ururkii SSDF) ku aadeen Muqdisho markii uu dagaalku ka qarxay 30kii Diseemabar 1990kii. Dhafoorqiiq daacad uma ahayn dowladdii Kacaanka, kamana soo horjeedin; sidoo kalena ma ahayn xoogag siyaasad ahaan ku abtirsanayay ururkii SSDF oo magac ahaan u  jiray markaas laakiin aan lahayn wax ciidan ah oo dowladdii kacaanka la dagaallamayay xilligaas lahayn. Ururrada USC, SNM iyo SPM ayaa la hadal-hayay dhammadkii 1990kii iyo billowgii 1991kii.

Markii dowladdii kacaanku dhacday 1991kii, Dhafooqiiq hoggaamiyayaasheedii waxay ku doodeen inay ku guuleysteen inay Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ka caawiyeen inuu ka baxo Madaxtooyada markii  dagaalyahannadii ururkii USC ka soo  daateen darbiyadii Villa Somalia.

Markii dambe reer miyga Mudug iyo Nugaal ayaa la abaanbulay kaddibna waxay kaashadeen ciidammadii Balanballe iyo Caabudwaaq 1991kii si la iska caabbiyo ciidankii USC. Labo cashar oo waaweyn ayuu weerarkii Gaalkacyo reebay. 1- Waxaa caddaatay in kala diristii ciidammada SSDF ku salaysnayd go’aan aan laga baaraandegin xilli jabhado beelo ku salaysan ay Soomaaliya ku soo badanayeen. 2- Gaalkacyo waa magaalada uu ka dhacay xasuuqa ugu xun ay geysatay dowlad Soomaaliyeed maadaama ururka USC ahaa ururkii dhisay dowladdii ku meelgaarka uu Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed hoggaaminayay. Dadka Waqooyiga Gaalkacyo ku nool kama hor imanin dowladdii Xamar laga dhisay 1991kii kaddib. Jeneraal Caydiid ayaa dhisay dood ah in ururka SSDF iyo beesha taageeri jirtay yihiin “Siyaad Barre Supporter”, oo  dhiggooda iyo hantidooda u xalaaleeyay  ciidankii USC. “Taliyaha Sare ee Xoogagga Milatariga ee USC ahna hoggaamiyaha dhabta ah ee ururka ayaa ugu hambalyeeyay dagaalyahannada USC iyo xoogagga  horusocodka ah oo la bahda ah hawlgalka lagu guulaystay ay ka fuliyeen Gaalkacyo iyo agagaarkeeda” ayuu warsaxaafadeedku intaas ku daray.

Isku-day isir-suulin

Gaalkacyo waa magaalada keliya oo wixii ka dhacay 199kii lagu tilmaami karo isku day isir-suulin. USC wuxuu ahaa urur dhisay dowlad ku meelgar ah oo beddeshay taliskii kacaanka 1991kii. Gaalkacyo waa magaalada lagu dilay odayaal sooc ah oo samatalin caan ku ahaa. In laga hadlo wixii Muqdisho ka dhacay waxay sababi kartaa in laga bogsoodo gaboodfalladii ka dhacay caasimadda 199kii iyo kaddib. Gaalkacyo sidaas ma aha. Lagama hadlo wixii ka dhacay 1990kii iyo kaddib. Ma jrto magaalo Soomaaliyeed oo uu ka dhacay xasuuq la heer ah kii ka dhacay Gaalkacyo 1991kii.

“[Jeneraal Caydiid] wuxuu dagaal aan kala joogsi lahayn ku waday Gaalkacyo oo mar  ay gacantiisa gashay uu ku xasuuqay dad gaaraya kun iyo dheeraad iyo in aad u badan oo barakacday, dadka qaar inta meel la isugu keenay baa Ia laayey iyagoo waliba qaarkood aad u yaqaannay, waxaa ka mid ahaa dadkaas Maxamuud Xaaji Xasan, Jaamac Biixi Xanaf, Maxamuud Cali Nuur… kuwaas oo ka mid ahaa odoyaashii ugu waaweynaa Gobolka Mudug, waa nabadoonnadii iyo ganacsatadii” ayuu Cabdullaahi Yuusuf ku qoray buuggiisii Halgan iyo Hagardaamo.

Waa dhab in 1993ki ay Jeneraal Caydiid iyo Cabdullaahi Yuusuf heshiis ku kala saxiixdeen Muqdisho ku saabsan Gaalkacyo, heshiiskaas oo weli shaqaynaya. Gaalkacyo waa magaalada weli labo qeybood loo kala deggan yahay, oo waa sida wax u eg Khadkii Cagaarnaa ka jiri jiray Muqdisho. Waa kala qeybsanaan ku salaysan wixii ka dhacay degmada Gaalkacyo 1991kii. Sidaas darteed Gaalkacyo kuma habboona inay noqoto caasimad Soomaaliyeed.

© Puntland Post, 2025

The post Miyay Gaalkacyo ku habboon tahay inay noqoto caasimadda Soomaaliya? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this