Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo digniin amni ka soo saartay firxad ka tirsan Daacish oo soo galaya magaalada Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   
20250906_084507.jpg?resize=720%2C405&ssl

Dowladda Puntland oo digniin amni soo saartay ayaa muujisay in laga yaabo magaalada Boosaaso in ay ku soo dhuunteen firxad ka tirsan mileeshiyaadkii Daacish oo nafta kala soo baxsaday Hawlgalka Calmiskaad.

Digniintan amni oo ka soo baxday ciidanka Booliska Puntland ayuu ku wargeliyay dadweynaha Boosaaso in ay taxaddar ka muujiyaan habqankii argagixisada Daacish ee ka soo firxanaya Hawlgalka Calmiskaad, kaddib markii kooxdaasi si ba’an ugu jabtay dagaalkii buuraha, oo ay ciidamada difaaca Puntland godadkii ugu daateen.

“Iyadoo laga duulayo dagaalka xaqa ah ee ciidankeenu kula jiraan kooxaha argagixisada ah, waxaa jira firxadyo ka tirsan kooxahaas oo laga yaabo inay isku dayaan inay ku dhex dhuuntaan shacabka, iyagoo ka faa’iideysanaya jabka ku dhacay” ayay u qorneyd digniinta Amnig ee uu soo saaray Taliska ciidanka Booliska Puntland.

“Haddaba, Ciidanka Booliska Puntland wuxuu ku wargelinayaa shacabka sharafta leh in qof kasta oo arka ama maqla cid looga shakisan yahay inay xiriir la leedahay kooxahaas naf-la-caariga ah, ay si degdeg ah ula soo xiriiraan ciidanka booliska Dowladda Puntland iyagoo wacaya lambarka gaaban ee 999,  WhatsApp: 905 811 111  oo heegan ah 24-ka saacba” ayay sii raacisay farrintani.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo digniin amni ka soo saartay firxad ka tirsan Daacish oo soo galaya magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this