Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyihii hore Xiriirka Kubadda Cagta Puntland oo saaka Garoowe lagu xiray

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1757144164113.jpg?resize=951%2C96

Gudoomiyihii hore xirirka kubada cagta Puntland Maxamed Ciiro ayaa saaka laga qabtay garoonka diyaaradaha Garoowe, xilli uu safar u ahaa magaalada Muqdisho, waxaana loo taxaabay Xabsiga Garoowe.

Sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska Puntland ayaa xaqiijiyay in guddoomiye hore Maxamed Ciiro saaka laga qabtay Airport Garoowe, isagoo safar ku sii ahaa magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu doonayay in uu kaga qeyb galo Shirka guddiga Fulinta Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Maxamed Ciiro loo haysto eed ku saabsan in uu diiday wareejinta xilkii guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Puntland oo mas’uul cusub loo doortay, balse muranka dhashay natiijada dartiis uu xil wareejinta diiday guddoomiyihii hore.

PUNTLAND POST

The post Guddoomiyihii hore Xiriirka Kubadda Cagta Puntland oo saaka Garoowe lagu xiray appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this